Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
12 janaayo ( Ceegaag) – Adduunyadu waa safar, Qof walbana maalin ayuu ka tagayaa, Geeridu waa xaq waana halka lagu dambeyn doono, Ma dhinte waa Ilaah ee Alle ha u naxariisto Abwaankii Soomaaliyeed Cali Sugule Dun-Carbeed oo ku geeriyooday Magaalada Shaariqa ee Dalka imaaraadka Carabta oo in dhawaalaba uu ku xanuunsanayay.
Alle ha u naxariistee Marxuumku oo ka mid ahaa Tiirarka ugu waa-weyn ee Fanka Soomaaliyeed ayaa waxuu inooga ka tagey Dhaxal aan marnaba guureyn oo ah Suugaantiisii hodonka ahayd ee aan laga xiisa dhaceyn, geerida Abwaanka waxaa ka Tacsiyaynaya Gudoomiyaha Akadeemiyo Goboleedka Af-Soomaliga Prof. Maxamed Daahir Afrax, Xildhibaan Maryan Cariif Qaasin oo ka mid ah Madaxda Akadeemiyada, Ruuug cadaaga Cabdi Xaaji Goobdoon oo ka tirsan Maqaawiirta Akadeemiyada Aga, Prof. Mustafa C/laahi Fayruus, Gudoomiyaha Somalipen ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya Cabdi-naasir Yuusuf Macalin, Qoraaga Amiin Yuusuf Qasaaro iyo dhamaan bahda Akadeemiyada Aga ee isugu jira Aqoonyahanada, Qorayaasha, Hal-abuurada, Maskax maalka iyo in walba oo ku mataanaysan Akadeemiyadaasi.
Iyadoo aan leenahay… Aaminta ducadiyo Alle bariga mooyee arin kale ma haynee… ayaa Illaah waxaan uga barayaynaa Abwaankeenii Cali Sugule inuu Su’aasha u fududeeyo, Qabriga u waasiciyo, Xabaasha u nuuriyo, Marti la jecel yahay uu ka dhigo, Dambigiisii uu u dhaafo, Naruuro, Udgoon iyo Neecoow Macaana uu siiyo, Janadana uu geeyo, Soomaali oo idilna Samir iyo Iiman ka siiyo Aamiin ….Aamiin
Ceegaag.com
Figradihiina