Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweynaha Mareykanka Obama oo jeediyay Khudbaddiisii ugu Dheerayd uguna Dambeysay

Janaayo 13 (Ceegaag) — Madaxweynaha dalka Maraykanka, Barack H. Obama ayaa jeediyay khudbaddiisii aad u dheerayd, noqonaysana khudbadiisii ugu dambeysay ee uu u jeediyo shacabka Mareykanka.
Barack Obama ayaa khudbadiisa kaga hadlay Qaranka Maraykanka, ayaa taabtay arrimo faro badan oo khuseeya dalka Maraykanka, kuwaasoo ay ka mid yihiin; dhibaatooyinka ka taagan dalalka Suuriya iyo Ciraaq.
Sidoo kale, wuxuu ka hadlay xeerka caafimaadka Maraykanka, isagoo aad ugu dheeraaday, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in caafimaadka shacabka Mareyanka la horumariyo.
Mar uu ka hadlayay hadalkii uu jeediyay musharaxa Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ee ahaa in muslimiint aan loo ogolaan inay Mareykanka soo galaan, ayuu ku tilmaamay hadal gef ah oo haddana meel ka dhac ku ah muslimiinta.
Obama ayaa arrimaha uu soo dhaweeyey waxaa ka mid ahaa heshiiskii Iiraan lala galay ee ku saabsanaa hubka Nucelarka, kaasoo weli uu socdo ka hadalkiisa iyo sidii go’aan rasmi ah looga gaari lahaa.
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply