Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Janaayo 13 (Ceegaag)- Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, wuxuuna halkaa ka furayaa Shirka Madasha Qaran ee lagu Go’aaminayo nooca doorasho ee Soomaaliya ka dhaceysa Sanadkaan 2016.
Garoonka Diyaaradaha Kismaayo ayaa waxaa Madaxweynaha ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari,Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda,Madaxweynaha Jubbaland iyo Mas’uuliyiin kale.
Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu Furo Shirka Madasha Qaran ee lagu Go’aaminayo Doorasho ka dhacda Dalka Sanadkaan aan ku jirno, waxaana si aad ah loo adkeeyay ammaanka Magaalada, iyadoo Ciidamo badan la geeyay Halka uu ka furmayo Shirka Madasha Qaran
Ceegaag.com
Figradihiina