Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Janaayo 16 (Ceegaag)— inkabadan 2000 arday oo wax kabarata kuliyadaha kala duwan ee jaamacada Horsed oo isugu jira full time iyo Part time ayaa maanta waxey u fariisteen imtaxaanka sanad waxbarashedka 2015/ 2016.
Madaxa Waxbarashada Jaamacada caalamiga ah ee horsed Cisman Cumar Ahmed (Dr Nuune) oo kormeerayey mid kamid ah fasalada ardayda imtaxaanka aay kugalayeen ayuu uga warbixiyey hanaanka imtaxaanka uu socda isagoo mid mid udil istaagay kuliyadaha ardayda aay dhigtaan ee maanta imtaxanka ugalayaan
“Waxaa farxad iyo hormar u ah jaamacada caalamiga ee Horsed iney maanta u fariisteen imtaxankii kama dambeyska ahaa ee sana waxbarasheedka 2015-2016 ardayda oo dhigta kuliyadaha kala duwan ee jamacada waxaan u rajeynaa iney noqon doonaan mustaqbalka hagaya dalka insha allah” ayuu yiri Dr Nuune.
Waxaa dhankooda ka aragtiya dhiibta qaabka uu socda imtaxaanka aay galayaan qaar kamid ah ardayda jaamacada dhigata ee saaka imtaxanka u fadhiistay waxeyna sheegeen iney kufarax sanyihiin in sinabad gelyo uu ugu soo dhamaado semester waxbarashedkooda
Jaamacada Horsed oo kamidaha jaamacadaha ka jira magaalada muqdisho kuna howlan sare uqaadida dhanka waxbarashada.
Ceegaag.com
Figradihiina