Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Waxaa wanaagsan in lakala barto lana kala leexiyo maalmaha taariikhda leh, waa muhiim sawabtoo ah horaa uu abwaan Soomaaliyeed oo wadani ah u yiri, “Taariikhdu dadkay bartaa” (Allah ha unaxariistee Cabdi Muxumad Amiin), waa laba maalmood oo midba meel ku astaysan.
21-ka Oktoobar 1972-kii waa maalintii laqoray qoritaanka far Soomaaliga waxayna ahayd maalin qiimo wayn ugu fadhida bulshada Soomaaliyeed waana maalintii ay shacbiga Soomaaliyeed ayku diirsadeen maalintaas inay helaan far ugooni ah, waxaana abaal wayn leh raggi usi xilqaamay inay shacbiga Soomaaliyeed ay uqoraan far u gooni ah wayna ku mahadsanyihiin isku daygaas qiimaha leh.
Marxuum Abwaan Dr. Xuseen Sheekh Axmed Hilawle (Kadare) oo kamid ahaa dadkii u istaagay inaay kaalintaas buuxiyaan kana mid ahaa hormuudka qoraalka farta Soomaaliga ayaa laga hayaa oraah qiimo bada oo ahayd:-
“Rag waa nin ladiray iyo nin is diray”.
Guddiga qoraalka far Soomaaliga waxay ahaayeen kuwa iyaga isu xilqaamay oo isdiray waxayna muujiyeen karti iyo dadaal dheeri ah, waxayna shacbiga Soomaaliyeed ugu dambayn usoo saareen far u gooni ah oo ay ku diirsadeen ma mudnayn maalintaasi in si dhib yar lagu ilaawo oo maalin kale oo aysan ahayn madaxa loo geliyo iyadoo dadka qaarkiis ay ku xagliyaan in 21-ka Oktoobar ay maalin astaan u ahayd dawladii kacaanka ee uu majarah u haayay marxuum Janaraal Maxamed Siyaad Barre, iyadoo aan ognahay in dawladaasi ay ahayd tii ku guulaysatay in xiligeedii fartaas laqoro 21-ka Oktoobar 1972-kii.
21-ka Janaayo 1973-kii waa maalintii ugu horaysay oo wargays far Soomaali ku qoran uu kasoo baxay caasimada dalka Soomaliya kaas oo lagu magacaabi jira XIDDIGTA OKTOOBAR waana maalin ay leeyihiin bahda warfaafinta unasab sheegata maalinta warfaafinta Soomaaliyeed iyadoo ay sidaas ukala cadahay ayaa dad masuuliyiin ah oo kala garanaya labada maalin waxa ay kala yihiin ayaa 21-ka Janaayo waxaa dadwaynaha loogu sheegay maalintii qoritaanka lasameeyay far Soomaaliga waana nasiib daro tusaale lawa wasaaradood oo laysu qaldayo wali ma arag qof walbana waxa uu yaqaanaa wasaaradiisa iyo sida ay ushaqayso laakiin maxaa maalmaha layskugu qaldaa waxay isoo xusuusisay sheeko yar oo qosol leh, macalin ayaa arday usoo galay ardaydiisii fasal, wuxuu sabuurada ugu qoray “Calayhim, ?????” wuxuu ku yiri ardaydii calayhim ma siin baa misa waa saad, ardaydii iyagoon hubsan ayay lawadaas eray ku kala dhawaaqeen, ugu dambayna markii ay dhuuxeen dib ayay ka fahmeen in calayhim aysan siin iyo saad midna aan ahayn.
Hadaba madhinacaas ayaan u qaadanaa jawaabtu waa maya sawabtoo ah dadka howshaas qawanaayo waa dadkii aqoonta usaaxiibka ahaa laakiin su’aasha is waydiinta mudan ayaa ah maxaa maalmahan loo kala saari waayay oo layskugu qalday.
W/Q: Cabdinaasir Yuusuf Macalin (Ganey)
suganyahan@gmail.com
Figradihiina