Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Janaayo 24 (Ceegaag)—Kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Beledweyne odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda gobol Hiiraan ayaa si weyn uga soo horjeestay shirka maamulka loogu sameynaya gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe ee ka socda Jowhar.
Shirka oo ay ka qaybgaleen oday-dhaqameed, Waxgarad, Dhallinyaro, Haween iyo qeybo kala duwan oo bulshada ayaa sidoo kale waxaa joogay oo ka qeybgalay xubno ka tirsan ergadii ka qeybgashay furitaankii shirka Jowhar 12-kii bishan, kuwaa oo dib ugu soo laabtay magaalada Beledweyne.
Nabadoon Faarax Cabdi Waare oo ka mid ah odayaashii dhaqanka ee ka qaybgalay shirka Jowhar ayaa wuxuu sheegay in waddadii uu shirku ku socday laga weeciyay, kaddib markii talada iyo qorshaha dhismaha maamulka labada gobol lagu wareejiyay shaqsiyaad gaar ah.
Sidoo kale, wuxuu si gaar ah ugu eedeeyay Wasaarada Arrimaha Gudaha inay u maamushay qorshaha socda si aan hagaagsanayn, kaddib markii ay si cad ugu tumatay saami qaybsiga beellaha iyo sida ay deegaannada u kala deggen yihiin.
”Anniga waxaan is leeyahay waxaa shirka soo xiray oo ugu talagalay inuu bur-buro kuwa soo qoray liiska sida beelahu u kala heleen tirada odayada dhaqanka ee soo xulaya ergada, kuwaasoo aan ku shaqeyn xog-ogaalnimo, sidaa awgeed inta bulshada gacanteeda lagu soo celinayo talada iyo maamulka shirka waxaan is leenahay halkaa gogol kama furna” ayuu yiri nabadoon Faarax.
Dhinaca kale Nabaddoon Faarax Cabdi Raage oo ka mid ah odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dowladda muddo 48-saac ah u qabtay beellaha in ay uga soo qayb-galaan Shirka Jowhar, isagoo arintaas ku tilmaamay qayb ka mid ah qorshaha shirka lagu fashilinayo.
Waxaa isa soo taraya diidmada ay beeluhu diidan yihiin sida loo qeybiyay odaydhaqameedyada ka qeybgalaysa shirka iyadoo qaar kamid ah beelaha shirka ka qeybgalayay ay sheegeen inay ka baxeen oo ay qaadaceen shirka.
Ceegaag.com
Figradihiina