Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dowlada Kenya oo ku eedeeysay mid kamid ah beelaha Soomaaliyeed inay gacan kegeysatay weerarkii deegaanka Ceelcade

Janaayo25 (Ceegaag) – Gudi ay dowlada Kenya u magacawday inay baaraan weerarki lagu qaaday xerada ciidanka Kenya ee deegeenka Ceelcade ee gobolka Gedo todobaadki hore ayaa ku eedeeyay beesha Mareexaan inay gacan kageysatay weerarkaasi kooxda Al-Shabaab kuqaaday xeradaasi.
Sida uu qoray wargeyska The Standard ee kaso baxa wadanka Kenya, horudhac baaritaan oo uu sameeyay gudiga ayaa lagu ogaaday in sadex kamid ah askarta Kenya oo ka baxsatay weerarkaasi oo uu gurigiisa kuqariyay qof deegaanka mardanbe la dilay kadib markii sida wargeysku sheegay Alshabab dadka deegaanku ay ku wargaliyeen joogitaanka askartaasi.
“Beesha Mareexaan waxay u arkaan ciidanka Kenya inay yihiin kuwo taageeraya beesha Ogaadeen ama qabiilo kale oo uu loolan kala dhaxeeyo, waana mid kamid ah waxyaabaha keenay inay ciidanka
qiyaamaan,” ayu yiri mid ka mid ah masuuliyiintya dowlada Kenya oo codsaday inaan magaciisa lashaacin oo wargeyska The Standard lahadlay.
Wargeyska ayaa sheegay in kooxda weerarkaasi baareysa ay maalintii Khamiista ahayd tageen xeradii ciidanka lagu weeraray isla markaana la filayo inay warbixin ku saabsan qaabka weerarku u dhacay ugudbiyaan abaanduulaha ciidamada qalabka sida ee wadanka Kenya Samsom Mwathethe.
Wargeyska ayaanan faafaahim dheeraad ah kabixin eedeeymaha dowladu ujeedisay beesha Mareexaan.
Gudigan cusub ayaa la sheegay inuu baaritaan kusameyn doono gacanti ay kulahaayeen beelaha deegaanka daga weerarka iyo hadii uu jiray wax dayac ah oo dhanka ciidamada kayimid iyo hadii sidoo kale hadii ay jireen digniino loo jeediyay askarta kahor inta aanu weerarkaasi lagu qaadin.
Saldhiga ciidanka Kenya ay kulahaayeen deegaanka Ceelcade ayaa ahaa saldhigii sadexaad ee ay Al-Shabaab lawareegaan mudo 7 bilood gudahood ah isla markaana ay kudilaan tiro katirsan ciidanka midawga Africa.
Dowlada Kenya ayaanan ilaa hada kahadlin qasaaraha weerarkaasi iyado kooxda Al-Shabaab ay sheegatay in tiro kabadan 100 askari ay kudileen weerarkaasi.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply