Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ra’iisul Wasaare Cumar “ Cabdi Xaaji Goob-doon wuxuu ahaa tiir ay tabi doonaan guud ahaan dadka Soomaaliyeed”

Ra’iisul Wasaare Cumar “ Cabdi Xaaji Goob-doon wuxuu ahaa tiir ay tabi doonaan guud ahaan dadka Soomaaliyeed”
January 26, (Ceegaag)—…..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa tacsi u diray shacabka, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Ruug-cadaagii Saxaafadeed Marxuum Cabdi Xaaji Goob-doon oo ahaa La-taliyaha R/Wasaaraha ee Arrimaha Saxaafadda, sidoo kalana ahaa shaqsi kaalin weyn ka soo qaatey saxaafadda Soomaaliya.
“Innaa Lillaahi waa Inaa Ileyhi Raajicuun. Marxuum Cabdi Xaaji Goob-doon waxaa uu ka baxay ummada Soomaaliyeed oo dhan, cid walbana way garaneysaa kaalintii iyo shaqadii wanaagsaneyd ee uu dalkan u soo qabtey intii uu noolaa. Marxuumka Ilaahay Jannatul Fardowsa ha ka waraabi yo, qoyskiisa, ehelkiisa iyo shacabka Soomaaliyeedna, samir iyo iimaan Allah ka siiyo’’, ayuu yiri R/Wasaare Cumar.
Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiir ka baxay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, sidoo kale waxa uu ahaa weriye ruug caadaya oo taariikh ma guurto ah kaga tegay Soomaaliya, tusaale iyo ku dayasho wanaagsana u ahaa dhamaan Bahda Saxaafada meel walba oo ay joogaan. Marxuumka ayaa xaley saqdii dhexe ku geeriyooday Isbitaal ku yaala magaalada Muqdisho.
WARBIXIN KOOBAN OO KU SAABSAN MARXUUM GOOBDOON
“Allaha u naxariisteen marxuum Cabdi Xaaji Goobdoon wuxuu Sannadkii 1936-kii ku dhashay magaalada Jigjiga, balse noloshiisa inta badan wuxuu ku qaatay Muqdisho oo uu wax ku bartay; wuxuu xalay ku geeriyooday Isbitaalka Daarul-shifa, cudur uu u dhintayna ma sheegi karo, waayo wuu caafimaad qabay,” ayuu yiri Abuurka.
Sidoo kale, Abuukar Xaaji Goobdoon oo ay walaalo ahaayeen marxuum Cabdi X. Goob-doon ayaa wuxuu sheegay in marxuumku uu ku jiray cimriga 80-naadka, uuna ahaa qof uu Alle caafimaad ugu deeqay, balse waqtigii ayaa ku dhamaaday.
“Walaalkey wuxuu Radio Muqdisho ku biiray sannadkii 1961-kii, laba sano kaddib 1963-kii ayaa loo diray Radio Moscow oo uu ka mid ahaa raggii lagu aasaasay laanta baahisa Af Soomaaliga oo uu ka shaqeynayay illaa iyo 1971-kii,” ayuu yiri Abuukar Xaaji.
Isagoo sii hadlaya ayuu Abuukar sheegay in maxuumku uu ka mid ahaa raggii aasaaska u ahaa warbaahinta Soomaaliya, wuxuuna xusay in sannadkii 1971-kii illaa 1981-kii uu ahaa madaxii xafiiska warbaahinta ee madaxtooyada Somalia.
Dhanka kale, Cabdi X. Goobdoon ayaa wuxuu soo noqday agaasimihii guud ee wasaaradda Warfaafinta iyo Hanuuninta dadweynaha, isagoo xilkaas hayay muddo afar sannadood ah, markaas kaddib waxaa loo bedelay Wasaaraddii shaqada iyo arrimaha bulshada oo uu muddo ka shaqeynayay.
Ugu dambeyn, Allaha u naxariisteen marxuum Cabdi Xaaji Goobdoon ayaa ka mid ahaa xubnaha sida aadka ugu ololeeya in warbaahinta Somalia ay noqoto mid caalami ah, isagoo shirarka warbaahinteed ee Muqdisho lagu qabto si aad ah u dhex-muuqan jiray.
Si kastaba ha ahaatee, marxuumka ayaa isla maanta lagu aasayaa Muqdisho, wuxuuna marxuunku ifka uga tagay caruur fara badan oo isugu jira wiilal iyo gabdho, kuwaasoo ku kala nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisa.
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply