Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Feberaayo 15 (Ceegaag) — Safiirka dowladda Jabuuti ee Somalia Dayib Dubad Rooble oo shalay gaaray magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, ayaa maanta kormeer ku sameeyay Xeryaha Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa ka socda dalka Jabuuti.
Safiirka, Waxaa kormeerka ku wehliyay saraakiil uu ka mid ahaa taliyihii hore ee Ciidanka Jabuuti ee AMISOM ka Tirsan, Col. Cismaan Dubad iyo Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan Xassan Max’ed Ibraahim [Xasxan Kaafi] oo qeyb ka ahaa kormeerka ayaa Ceegaag u sheegay in safiirka uu ku soo wareegay dhamaan xerryaha Ciidanka, isagoo warbixinno la xiriira howlaha sugida ammniga ka dhageystay saraakiishii ciidammada ee ku sugneyd xeryaha uu booqday safiirka.
“Kormeerkan wuxuu ahaa mid shaqo, wuxuuna safiirku ugu kuur-galiyay sida ay cidamadu u gudanayaan Waajibaadkooda shaqo, waayo sidda aad og-tihiin dhawaan waxaa dhacay is badal dhinac ciidanka iyo saraakisha siddaa daraadeed ujeedada waxaa ay aheyd in si Guud safiirku u kormeero howlaha ciidammada” ayuu yiri Xssan Kaafi.
Ciidammada Jabuuti ayaa xeryo Millateri ku leh daafaha Magaalada Beledweyne, iyaga oo halkaa kala socda hadba dhaq-dhaqaaqa amni ee magaalada.
Ugu danbeyn, afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada Jabuuti uga duwan yihiin ciidamada kale ee AMISOM, ayna gacanta ka geystaan Arrimaha Bani’aadannimada iyo dib-u-dhiska Goobaha Danta guud, iyagoo dhawaanna dayactir ku sameeyay Garoonka Degmada Buula-burte iyagaoo bulshada kaashanaya.
Ciidamada Jabuuti ayaa ka haw-lgala Degmooyinka Beledweyne, Buula-burte iyo Jalalaqsi oo dhammaantood ka tirsan Gobolka Hiiraan.
Ceegaag.com
Figradihiina