Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Febraayo 17 (Ceegaag)— Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in aysan jirin wax amar ah oo wasaaraddiisa ka soo baxay, kaasoo lagu farayo ciidamada ammaanka inay baaritaan ku sameeyaan Xildhibaanada Baarlamaanka.
Wasiirka oo shalay su’aalo lagu weydiiyay kulankii Baarlamaanka ayaa sheegay in uusan waxba ka ogeyn arrintan, isla markaana uu dalka ka maqnaa markii ay soo baxeen adkeynta Amniga.
“Ma jirto amar naga soo baxay, arrintaas baaritaan ku sameynayaa markii aan u yeero taliyeyaasha, waa sax Booliska iyo Nabadsugida aniga ayay i hoos-yimaadaan, laakiin ma amrin in la baaro Xildhibaanada”ayuu yiri Wasiirka Amniga.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in aysan raalli ka aheyn in Xasaanadda Xildhibaanada lagu xadgudubo, isagoo xusay in ciidamada qaar aysan aqoon xasaanad sida uu yiri.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo su’aalo weydiiyay Wasiirka ayaa ugu baaqay Wasiirka iyo Taliyaha Nabadsugida inay is casilaan, maadaama ay ku fashilmeen wax ka qabashada ammaanka.
Tan iyo markii uu dhacay qaraxii Diyaaradda Daallo Airlines 2-dii bishan ayaa waxaa si aad ah loo adkeeyay ammaanka garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo dadka ka dhoofaya iyo kuwa ka soo degaya garoonka si adag loo baarayay, waxaana arrintan qeyla dhaan ka soo saaray Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo sheegay in aan la baari karin, ayna leeyihiin xasaanad.
Qarixii diyaarada daallo ayaa waxaa gagida diyaaradaha ee aadan c/le cismaan aadan cade aad loo adkeeyey amnigiisa iyadoo aysan ciidamada amniga aysan u,aaba yeelin xildhibaan iyo xasaanadiisa iyo waxa uu mudanyahay.
Ceegaag.com
Figradihiina