Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Febraayo 17 (Ceegaag)—Magaalada Garowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland waxaa maanta ka ambabaxay wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne C/Weli Maxamed Cali Gaas iyagoona socdaalkooda ku tegaya magaalada Addis Ababa ee wadanka Itoobiya, kaddib markii ay casuumaad ka heleen madaxda dalkaasi.
Wafdiga Madaxweynaha Puntland waxaa ku wehliya wasiiro, xildhibaano iyo madax ka tirsan laamaha kala duwan ee maamulkiisa, iyagoo la sheegay in socdaalkooda uu la xariiro sidii maamulka Puntland iyo dowladda Itoobiya uga arrinsan lahaayeen arrimo fara badan oo isugu jira siyaasadda, xiriirka labada dal iyo qodobo kale.
“Safarkeyga wuxuu ku saabsan yahay casuumaad ka helnay Dowladda Itoobiya oo xiriir wanaagsan naga dhaxeeyo” ayuu yiri Madaxweyne C/Weli Gaas oo sheegay in xiriirka ay la leeyihiin Itoobiya uu yahay mid heer sare ah.
Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in kulanka uu la yeelanayo madaxda Dowladda Itoobiya ay uga hadlayaan sidii loo xoojin lahaa la dagaalanka kooxaha argagixisada ah iyo sidii hay’adaha ammaanka Puntland iyo Itoobiya xiriir joogto ah uga sameyn lahaayeen.
Socdaalka Madaxweyne C/Weli Gaas ayaa ku soo beegmaya iyadoo toddobaadka dambe magaalada Stanbul ee wadanka Turkiga uu ka furmayo kulan lagu soo xirayo shirka wada tashiga ee hoggaamiyeyaasha Soomaalida.
Warar hoose ayaa sheegaya in maamulka Puntland iyo Dowladda Itoobiya ay ka wadahadlayaan arrimo ku saabsan shirka Istanbul ka dhacaya, bacdamaa C/Weli Gaas iska taagay mowqif ka duwan go’aanadii ka soo baxay hannaanka ay dalka doorasho uga dhaceysa dabayaaqada sanadkaan.
Ceegaag.com
Figradihiina