Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ciidamada Jubaland oo fashiliyay weerar la doonayay in lagu qaarijiyo wasiirka arimaha Bulshada JL

Feberaayo 18, (Ceegaag) — Qaraxan oo la damacsanaa in lagu qaarijiyo wasiirka arimaha bulshada iyo waxbarashada Jubaland Macalim Max’ed Ibraahim ayaa loogu xiray gaadiid uu lahaa wasiirka, xilli wasirku isu diyaarinayay soo dhaweynta madaxweeynaha Jubaland oo shalay gelinkii danbe Kismaayo soo gaaray.

Wasiirka ayaa la sheegay in uu qaate gaari aan ahayn kii qaraxa lagu xiray, waxaana ciidamada sirdoonka Jubaland ay heleen xogta ah in gaariga wasiirka qarax lagu xiray, ayagoo falkaasi usoo xiray laba askari oo ka tirsanayd ilaalada wasiirka.

Isgaarsiinta magaalada Kismaayo ayaa qadar kooban hawada laga saaray intii uu socday howlgalkii ay ciidamadu qaraxa uga furayeen gaariga wasiirka.

Macalim Max’ed Ibraahim wasiirka arimaha bulshada iyo waxbarashada Jubaland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qaraxa gaarigiisa lagu xiray ay ka danbeeyso kooxda Al-shabaab, isagoo xusay in arimahaani oo kale aysan hakin doonin dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab.

“Qolada gaariga qaraxa ku xirtay qolo aan garaneeyno oo aan soo dhaweeysaneeyno ayay ahaayeen, ruux meesha iska fadhiyo ama wax ku cunayo ayaa la iska dhigay gaarigaa hoosta looga xiray, waana lagu dhajiyay,” ayuu wasiirku yiri isagoo sheegay in gaarigu yaallay gurigiisa.

Ninka qaraxa ka danbeeyay ayaa la sheegay in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen isagoo teleefon kula hadlayay kooxihii uu kala shaqeynayay qorshaha la doonayay in lagu qaarijiyo wasiirka.

Arintan ayaa ku soo beegmeeysa xilli kooxda Al-shabaab ay ku goodisay in ay kordhin doonto weerarrada ay ku qaadayaan xarumaha dowliga ah iyo madaxda dalka ee ay ka fuliyaan Soomaaliya.
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply