Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

DUQA MAGAALADA MUQDISHO OO TAAGEERO BUUXDA U BALAN QAADAY AKADEEMIYE GOBOLEEDKA AF-SOOMAALIGA.

Febraayo 20 (Ceegaag)— shir labba (2) geesood ah oo ay isugu yimaadeen Gudoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdsiho Md, Yuusuf Xuseen Jimcaale “Madaale” iyo Gudoomiyaha Akadeemiye Goboleedka Af-Soomaaliga Prof. Maxamed Daahir Afrax ayaa ka dhacay xarunta G/Banaadir ee Magaalada Muqdisho.

Madashii kulankaasi oo ahayd mid aad u xiisa badan ayaa si qoto dheer waxaa loogu gorfeeyay hanaankii ay labbada dhinac isaga kaashaan lahaayeen dhaqaajinta dhismaha Akadeemiye Goboleedka Af-Soomaaliga iyo sidii loogu guntan lahaa illalinta, horumarinta iyo hal-abuurka afkeena hooyo.

Gudoomiyaha Akadeemiye goboleedka af-Soomaaliga Prof. Maxamed Daahir Afrax oo halkaasi ka hadlay ayaa ka sheekeeyay sida ay ku timid dhalashadii Akadeemiyada, wuxuuna si faah-faahsan uga warbixiyay heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay, isagoo cadeeyay dadaal dheer oo la sameeyay dabadeed in lagu guuleystay sidii xarunta Akadeemiyadu ay u noqon laheyd Magaalada Muqdisho oo ah hooyadii afka Soomaaliga.

Prof. Afrax oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in muddo hadda laga joogo hal sanno ka hor iney Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti Md, Xasan Shiikh Maxamuud iyo Md, Ismaaciil Cumar Geelle ay dhagax dhigeen dhismaha Akadeemiyadaasi, wuxuxuna tilmaamay inay Akadeemiyadu ka go’an tahay sidii ay uga soo dhalaali laheyd hawlaha laga sugayo, isagoo dhanka kalana ku bogaadiyay Gudoomiyaha G/Banaadir talaabooyinka waxtarka leh ee uu ku dhaqaaqay muddadii koobneyd ee uu xilka hayay.

Gudoomiyaha G/Banaadir Md, Yuusuf Xuseen Jimcaale oo isna ka hadlay madashaasi ayaa sheegay inuu ku farxsan yahay isla markaana uu soo dhaweeynayo shaqooyinka ay qabanyso Akadeemiyadaasi, wuxuuna carabka ku dhuftay inuu dhexda u xeran doono sidii loo dar-dargalin lahaa dhismaha xarunta Akadeemiyada ee Magaaladda Muqdisho, isagoo balan qaaday inuu soo booqan doono.

Akadeemiyo goboleedka af-Soomaaliga ayaa lagu dhawaaqay 2012, waxayna muddo seddex sanno ah ku soo shaqeynaysay Dalka Jabuuti, hase yeeshee sanadkii tagey ayaa xarunta Akadeemiyadaasi waxaa loo soo raray Magaalada Muqdisho,
Akadeemiyadaan oo ah gole aqooneed aad u mug weyn ayaa waxay kulmisaa shucuubta Soomaaliyeed ee ku hadasha afka Soomaaliga, kuwaasi oo ku kala dhaqan Wadamada Soomaaliya, Jabuuti, Itobiya iyo Kenya.
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply