Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Febraayo 25 (Ceegaag)— Waxaa la soo gaba gabeeyay shirkii looga hadlayay Arrimaha Soomaaliya ee loogu magac daray Diirad Saaridda Horumarka Soomaaliya, kaasoo 23 ka furmay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan, Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha, Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Maamul goboleedyada, Golaha Xukuumadda, qeybaha bulshada ergo ka socotay 50 dal iyo hey’ado caalami ah.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya C/salaan Cumar Hadliya oo wareysi siiyay Laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in shirka laga soo saaray go’aano dhowr ah, isago xusay in la isla gartay in Soomaaliya taageero caalami la siiyo, isla markaana dowladda ay sii wado taageerada ay siiso Soomaaliya.
Mr Hadliye ayaa sheegay in la taageeray sidii looga gudbi lahaa xilliga kala guurka sanadkan 2016, isla markaana Caalamka uu garwaaqsaday horumarka xoogan ee Soomaaliya sameysay, hadii ay ahaan laheyn la dagaalanka Argagixisada, isu keenida dadka Soomaalida, sameynta Maamul goboleedyada.
“Waxaa aad loo taageeray go’aanka ka soo baxay Shirkii Muqdisho ee bishii Janaayo ka dhacay sida kala guurka looga gudbi lahaa, Baarlamaan cusub iyo Madaxweyne cusub loo dooran lahaa, waxaa la isla gartay in aysan suurta gal aheyn doorasho qof iyo cod, xaalada uu dalka ku jiro, waxaa la taageeray talada ay keentay dowladda Dhexe oo ah in Aqalka hoose lagu dhiso nidaamka 4.5 oo Soomaalida oo dhan ka soo qeyb galaan iyo Aqalka sare lagu saleeyo qaab deegaan”ayuu yiri Wasiir Hadliye.
Shirka Istanbul oo labo maalmood socday ayaa waxaa looga hadlay, arrimaha Amniga, siyaasada, dowlad wanaaga, Ganacsiga, dib u habeynta Dastuurka, arrimaha federaalka doorashada sanadkan 2016 qodobo kale, kuwaasoo gebi ahaanba shirarkii gaar gaarka ahaa ee looga hadlay laga soo saaray go’aano.
Ceegaag.com
Figradihiina