Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Febraayo 25 (Ceegaag)— in kabadan 200 Arday ayaa maanta ka qalin jebiyay Jaamacadda Daha ee magaalada Muqdisho, iyadoo munaasabad ku aadaneyd qalin jebintooda ay ka dhacday Hotelka SYL.
Munaasabada qalin jebinta ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro, Xildhibaano, Mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Waxbarashada, Caafimaadka, daladaha waxbarashada, marti sharaf iyo waalidiinta ardayda qalin jebineysay.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo munaasabada ka hadlay ayaa ku amaanay ardayda qalin jebisay sida ay ugu dhabar adeegeen mudadii ay waxbarashada soo wadeen, isagoo si gaar ah Jaamacadda ugu bogaaday is bedelka ay sameysay dhinaca dhismaha iyo Tacliinta Ardayda.
Guddoomiyaha Jaamacadda Daha Sheekh Abukar Xasan Maalin oo khudbad ka jeediyay munaasabada ayaa sheegay in dufcadii u horeysay ay tahay ee Jaamacada ka qalin jebiyay, kuwaasoo baranayay kulyadaha kala duwan ee Jaamacadda laga dhigo.
Waxaa uu ka sheekeeyay taariikhda fog ee Jaamacadda ay hiigsaneyso iyo heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay, isagoo si gaar ah uga mahad celiyay dhamaan ka soo qeyb galayaasha xaflada oo ay ka mid ahaayeen Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.
Ugu dambeyn Ardayda qalin jebisay ayaa waxaa la guddoonsiiyay shahaado, waxaana guddoonsiiyay Guddoomiyaha Jaamacadda, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta iyo mas’uuliyiin kale, iyagoo ku dhiira geliyay ardayda wixii ay barteen ay bulshada inteeda kale ugu faa’ideeyaan.
Ceegaag.com
Figradihiina