Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Axmed Fiqi “Al-Shabaab wax culeys ah lama saarin labadii sano, waana fursad ay heleen”

Maarso 1 (Ceegaag)— Agaasimihii hore ee Hey’adda Nabadsugida Qaranka Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay weeraradii u dambeeyay ee Al-Shabaab ka fuliyeen magaalada Muqdisho, isagoo faah faahin ka bixiyay waxyaabaha sababta u ah inay kordhiyaan weerarada.
Axmed Fiqi oo la hadlayay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in Al-Shabaab ay bartilmaameedsanayaan meelaha nugul, isla markaana ay darsayaan gaabiska xaga amniga ee ka jira meelaha qaar.
“Meelaha nugu ayay bartilmaameedsanayaan, waxay darsayaan goobaha gaabiska xaga amniga ka jiray, Shabaab waxay fursad u heleen dagaalkii tooska ahaa ayaa laga joojiyay, markaas ayay bilaabeen in maskaxdooda, xoogooda iyo cududooda ay isu keenaan, ayna ku firkiyaan inay howlo gaar ah ka fuliyaan meelo aad xasaasi u ah”ayuu yiri Amb. Axmed Macalin Fiqi.
Waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ay aad isu diyaariyeen, ayna xog fiican ka hayaan meelaha ay bartilmaameedsanayaan, waxaana uu tilmaamay in aan waxba laga baran waxyaabihii horay u dhacay, isla markaana marba marka ka dmabeysa ay weerarada sii xoogeysanayaan.
“Al-Shabaab fursad ayay heleen, labadii sano ee la soo dhaafay wax dagaal ah laguma qaadin, iyaga markii hore difaac ahaa, hadana ayaga weeraro soo qaadaya, waxay sanadkii u dambeeyay bilaabeen inay weeraraan xarumihii AMISOM”ayuu yiri Axmed Fiqi.
Mar wax laga weydiiyay kulankii Madaxda dalalka Ciidamada ka joogana Soomaaliya ku yeesheen Jabuuti ayuu tilmaamay in loo baahan yahay in la habeeyo Ciidamada AMISOM, isku xir fiican ay sameeyaan, si Al-Shabaab deegaanada gacanta ay ku hayana looga saaro, isla markaana ay la yimaadana Ciidamada AMISOM qorshayaal looga hortagi karo weerarada, lana abuuro ciidamo u abaabulan sida Al-Shabaab ee koox koox ah ee duurka ku jira.
Weeraradii u dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho iyo Baydhabo ayaa waxaa ku dhintay dad ku dhow 50-ruux, waxaana Mas’uuliyada weeraradaas sheegatay Xarakada Al-Shabaab.
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply