Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ururka Islaamka oo Cambaareeyay Weerardii ka kala dhacay Baydhabo iyo Muqdisho.

Dr. Iyaad Bin Amiin Madani Xoghayaha Guud ee Ururka Islaamka Calaamka ee OIC ayaa cambaareeyey weeraradii ka kala dhacay Baydhabo iyo Muqdisho, wuxuuna ku tilmaamay Fal-dembiyeed halis ku ah Bini’aadminimadda.

Qoraal uu ka soo saaray Xarunta Dhexe ee Ururka Islaamka Caalamka ee magaalladda Maka Al-mukarama ee dalka Sacuudiga ayuu ku sheegay inay nasiib xumo tahay inay dhacaan Qaraxyadaasi, xilli ay inta badan dadka Soomaaliyeed ku hawlan yihiin Dib u dhiska iyo Nabadda dalkooda.
Xoghayaha Guud ee Ururka Islaamka Calaamka ee OIC, Dr. Iyaad Bin Amiin Madani ayaa cambaareeyey weerarkii Jimcihii ay Al-Shabaab la beegsadeen Hotelka SYL iyo Beerta Nabadda ee SYL ee magaalada Muqdisho.
Dhanka kale Al-Shabaab ayaa horey u sheegatay inay ka dambeeyeen Qaraxyaddii ka kala dhacay magaallooyinka Muqdisho iyo Baydhabo ee ay dadka badan ku dhinteen kuna dhaawacmeen
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply