Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ururka Dhaqaatiirta Indhaha oo Bulshada Soomaaliyeed uga digay cudurada ku dhaca indhaha

Maarso 8 (Ceegaag)— Ururka Dhaqaatiirta Indhaha Soomaaliyeed ayaa Bulshada uga digay Cudurada Indhaha biyaha gala, kaasoo horseeda indho la’aan, kadib markii ay shir jaraa’id ku qabteen magaalada Muqdisho.
Warbixin uu soo saaray Ururka Dhaqaatiirta Indhaha oo lagu soo beegay maalinta loo asteeyay ka hortaga iyo wacyi gelinta cudurka indhaha biyaha gala ayaa lagu sheegay in deegaanada Koofurta Soomaaliya uu halis ba’an ku hayo cudurkan, isla markaana ay wadaan wacyi gelina bulshada ee ku aadan sidii looga hortagi lahaa cudurkaas loona daweyn lahaa.
Dr. C/samad Xasan Haye oo ah Guddoomiyaha Ururka Dhaqaatiirta Indhaha Soomaaliyeed ayaa sharaxaha dhibaatooyinka sababa cudurka indhaha biyaha gala, waxaana uu xusay in ugu dambeyn uu keeni karo indho la’aan, hadii aan la daaweyn.
Sidoo kale Guddoomiye kuxigeenka Ururka Dhaqaatiirta Indhaha Soomaaliyeed Maxamuud Axmed Maxamed Shiino ayaa isna tilmaamay in cudurkan calaamado deg deg ah oo lagu garan karo aysan jirin, balse loo baahan yahay in qof walba oo da’diisu gaarto 40-sano, laga rabo in labadii sano uu mar is baaro.
Dr. Cali Baashi Cumar Rooraaye oo ah Khabiir dhinaca indhaha ah ayaa sheegaya inay muhiim tahay in dadka ay fahmaan khatarta cudurka indhaha biyaha gala, loona baahan yahay in laga digtoonaado.
Ugu dambeyn Ururka Dhaqaatiirta Indhaha ayaa sheegay in si looga hortago cudurka indhaha biyaha gala ay sameyn doonaan safar wacyi gelin ah oo ay ku tagi doonaan Gobolada dalka, gaar ahaan magaalada Baydhabo oo ay ka sameyn doonaan howlo qaliimo la xiriirta cudurkan indhaha biyaha gala.
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply