Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Maarso 9 (Ceegaag)—Ray Tomlinson oo ahaa ninkii ugu horeeyay ee caalamka dira fariimaha la isugu diro internetka oo loo yaqaan email ayaa ku geeriyooday magaalada New York isagoo 74 sano jir ah.
Tomlinson oo ahaa nin kombiyuutarada geliya barnaamijyada ayaa la yimid fikirka ah in farriin la isugu diro hal computer loona diro mid kale sanadkii 1971kii.
Waxyaabaha uu alifay dunidana ku soo kordhiyay Tomlinson ayaa waxaa ka mid ah calaamada @ oo ah haatan sumad caalamka oo idil laga isticmaalo. Wararka ayaa sheegaya in Sabtidii aynu ka soo gudubnay uu Tomlinson wadnuhu istaagay.
Farriintii ugu horeysay ee email ah ayuu Roy direy isagoo ka shaqeynayay Boston una shaqeynayay shirkad cilmibaarista sameysa ee Bolt,Beranek and Newman. Shirkadan ayaa qeyb weyn ku lahayd sidii loo horumarin lahaa qaabkii hore ee internetka uu ahaa iyadoo loo yiqiin Arpanet.
Hase yeeshee,Tomlinson ayaa markii dambe laga soo xigtey inuusan xusuusan karin ereyadii uu ku qoray fariintii ugu horeysay ee uu direy.
Caalamka oo idil ayaa haatan si weyn loogaga isticmaalaa emailka uu dunidan ku soo kordhiyay Tomlinson, hase ahaatee waxaa soo baxaya sanadba sanadka ka dambeeya qaabab cusub oo dadka ay isugula xiriiri karaan.
Ceegaag.com
Figradihiina