Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Maarso 12(Ceegaag) -Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay lagu caleema saarayay Caaqilka Beesha Baadacade ayaa shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana kasoo qeyb galay munaasabada, Xildhibaano, Nabadoono, Cuqaal, duubab, siyaasiyiin,ururada haweenka, ururada dhalinyarada, ganacsato iyo marti sharaf kale.
Waxaa munaasabada ugu horey ka warbixiyay Cabdi Abiikar Mahdi, waxa uuna i sheegay in munaasabada caleema saarka Caaqilka ay soo socotay muddo ugu dambeyntiina la isku raacay in maanta caleemo saaro Caaqilka Yuusuf Dhagaxow.
Munaasabadan oo ay ka hadleen qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxa ay dhammaantood sheegeen inay soo dhoweynayaan Caaqil Yuusuf ayna ugu hambalyeynayaan caleema saarkiisa. Xildhibaan Eng Nadiifo Maxamed Cismaan Wasiirkii hore ee Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska Dalka oo ka hadashay Caleema Saarka Caaqil Dhagaxow waxayna soo dhaweysay Caleema saarkiisa.
”Beesha waxa ay diyaar u tahay in ay raadsato Xaqa ay leedahay, meelwalbana u tagto sidii loo heli lahaa wixii ay rabtay,maanta Beesha ay waxa ay caleema saarteen Caaqil kaasoo ka shaqeyn doono arrimaha beesha iyo tan dalka Somaliya,Beesha waxa ay isku raacday waxa ka maqan sida wadajir ah u raadsato,Waxaan nahay dad caan ku ah nabadda dhowrana dhaqanka, Waxayna leeyihiin taariikh dheer,”ayay tiri Eng Nadiifo.
Gabagabadii xafladan caleema saarka ah ayaa waxaa ka hadlay Caaqil Yuusuf Xaaji Cali (Caaqil Yuusuf Dhagaxow) oo ka hadlay xafladdii lagu caleemo saaray ayaa u mahadceliyey dhammaan dadkii ka soo qeybgalay Caleema Saarkiisa,waxa una sheegay in uu ka shaqeyndoono Midnimada iyo isku xirka Beesha iyo tan Somaliyeed, isagoo u duceeyay Ummadda Soomaliyeed waxana uu Eebe ugaga barayay in uu tusiyo wanaaga iyo horumarka.
Xafladda Caleema Saarka Caaqil Yusuf Dhagaxow dhammaan dadkii ka soo qeybgalay waxa ay soo dhaweeyey Caleema saarkiisa,waxa ayna sheegeen in uu yahay Mid mudan kana soo bixi karo Howsha Culus ee loo doortay,waxa ayna Alle ugu baryeen in uu la garabgalo Hogaanka loo dhiibay,Eebana ka dhigo kii keena Midnimada Somaliyeed.
Ceegaag.com
Figradihiina