Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Maarso 13 (Ceegaag)—Waxaa Magaaladda Muqdisho lagu qabtey Munaasabad sii heer sare ah loo soo agaasimey taasoo ujeedkeedu ahaa Gudoonsiinta Abaal Marin heer Qaran oo la siinayey Maxamed Cali Faarax oo ah Shaqsi u ololeeya dadka Naafada ah, waxaana Munaasbadaan soo qaban qaabiyey Golaha Aqoonyahan ee Aragtida Nool , waxaana ka qayb galey Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Ardeyda Jaamacadaha wax ka barata, Dhalinyaro iyo Marti Sharaf kale
Abaal marintaan ee la siinayey Maxamed Cali Faarax ayaa waxaa Bixsey Wasaarada Howlaha Guud iyo Dib Dhiska oo Wasiir ka ah Ing Saalax Shiikh Cismaan, waxaana ugu horeyn halkaa ka Hadley Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo u Mahadceliyey Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Ing Saalax oo uu ku tilmaamey Shaqsi mar waliba dhiirageliya dadka aadka u Nugul isagoo sheegey in Abaalmarinta la gudoonsiiyey Maxamed Cali ay tahay mid ku dhiiragelineysa in uu sii labalaabo Howlasha uu u hayo Dadka Naafada ah
“Inta ka soo qayb gashey Munaasabadaan haddii ay u istaagaan caawinta Dadka Naafada ah wax badan ayaa hagaagaya marka waa in aan u sara kacnaa sidii Dadka Naafada ah Xaquuqdooda u heli lahayeen “ Sidaa waxaa yiri Faadumo Cabdi Cali oo ah Gudoomiye ku xigeenka Midowga ardeyda Jaamaadaha iyadoo sheegtey in loo baahan yahay in Bulshada la tusiyo ama lagu wacyigeliyo sidii dadka baahiyaha gaar ah qaba ay u heli lahaayeen Xaquuqdooda
“ Qofka kasta Baahi gaar ah ayuu qabaa oo qof dhameystiran ma jirto oo aan ahayn Ilaah marka aad baan u soo dhaweynayaa Abaalmarinta Qaran ee la Gudoonsiinayo Maxamed Cali Faarax uuna Gudoonsiiyo Wasiirka Howlaha Guud Ing Saalax oo aan ku tilmaami karo Wasiir ay ka go’an tahay in dadka Naafada ay helaan Xaquuqda ay leeyihiin “ ayuu yiri ing Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo Bulshada u soo jeediyey in ay caawiyaan Dadka Naafada ah .
Xubnhii kale ee halkaa ka Hadley waxaa ka mid ahaa Wasiirka Kuluumeysiga iyo Khayraadka Badda Maxamed Cumar Caymooy ayaa Sheegey in Abaalmarintaa ay tahay mid aad u qiimo badan waayo waxaa uu sheegey in ay horseedeyso in dadka Naafada ah ay helaan Xaquuqdoda isagoo u mahadceliyey Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska
Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Ing Saalax Shiikh Cismaan oo halkaa ka Hadley ayaa sheegey in Ujeedka ay Abaalmarinta ay Wasaaradiisu u Gudoonsiisey Maxamaed Cali Faarax ay tahay markii ay ay aragtey sida ay uu u doonayo in Dadka Naafada ah u helaan Xaquuqdooda isagoo hoosta ka xariiqey in uu dadaal u geli doono sidii Dowlada Federaalka ay uga heli lahaayeen Xaquuqaqhooda Waajibaadka ah ee ay ku leeyihiin dadka Naafada sidoo kale waxaa uu sheegey in Dadaal u geli doono sidi Dastuurka loogu cadeyn lahaa Dhamaan Xaquuqaha dadka Naafada h
Ugu dambeyn markii uu Wasiirka uu Gudoonsiiyey abaalmarinta Maxamaed Cali Faarax ayaa halkaa waxaa ka Hadley Maxamaed Cali oo u Mahadceliyey Wasaarada Howlaha Guud iyo Dib u dhiska gaar ahaan Ing Saalax Shiikh Cismaan isagoo sheegey in Abaal marintaan ay tahay mid ku dhiiragelineysa in uu sii laba labo Howlaha iyo Ololaha uu ugu doodayo Dadka Naafada ah u helaan Xaquuqdooda
Ceegaag.com
Figradihiina