Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweynaha Turkiga oo ku hanjabay inuu aar gudayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxii xalay.

Maarso 14 (Ceegaag)- Madaxweynaha dalka Turkiga Rajjap Dayip Ordegan ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah wax uu ugu yeeray ururada argagixisada ah ee qaraxyada wadankiisa ka geysta.

Madaxweyne Ordegan waxaa uu sheegay weerarkii isqarxinta ahaa ee xalay xilli dambe caasimada Ankara ka dhacay uu awood dheeraad ah siinayso dawladiisa.

Ciidamada amaanka dalkaasi ayuu M/weynuhu amray inay qaadaan tilaabooyin deg deg ah oo amaanka lagu xaqiijinayo waxaana uu intaa ku daray inay u aar gudi doonaan dadkii ku waxyeeloobay qaraxii xalay.

Diyaaradaha dagaalka Turkiga ayaa maanta duqeyn ka geystay magaalooyin ku yaala waqooyiga Ciraaq oo ay ka taliyaan dagaalamayaasha kooxda PKK la yiraahdo ee Kurdiyiinta.

Wasaaradda difaaca Turkiga ayaa sheegtay in illaa iyo 12 diyaaradood oo nooca dagaalka ay bar tilmaamneysteen 18 xarumood oo hub u yaalay jabhadda PKK.

Ku dhawaad 40 ruux ayaa ku naf waayay 100 kalena ayaa ku dhaawacmay qaraxa ka dhacay magaalada Ankara xilli ay dad badan gaadiidka dadweynaha raacayeen waxaan wararka qaar sheegayaan in qof haweeney ah ay is qarxisay.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply