Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Maarso 16 (Ceegaag)— Dagaalyahanadii hubeysnaa ee la sheegay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa xalay ku hoyday degmada Bandar-bayla ee Gobolka Bari, iyadoo dagaalyahanadan oo gaaraya boqolaal ay aad u hubeysan yihiin.
Guddoomiyaha degmada Bandar-Bayla Saciid Aadan Cali ayaa u xaqiijiyay Idaacada VOA in qeybo ka mid ah degmadaas ay soo gaareen dagaalyahanadan, waxaana uu xusay in tuulooyin ku dhow Bandar-Bayla ay soo gaareen.
Dagaalyahanadan ayaa labadii maalmood waxay doonyo kaga soo dageen xeebaha deegaanada Mudug iyo Nugaal ee Gobolka Bari, waxaana wararku sheegayaan in deegaanada qaar ay lug ku tageen.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalyahanadan oo aad u hubeysan ay dhowr jiho ku socdaan, isla markaana ay deegaanada ay tagayaan dadka deegaanka u sheegayaan inay uga sii gudbayaan, ayna dadka inay dhibaateeyaan diyaar u aheyn.
Wararka qaar ayaa sheegaya in dagaalyahanadan ay ku sii jeedaan xeebaha Baargaal iyo Xaafuun, halkaasoo la sheegay in dagaalyahano kale ay ku sugayaan.
Qaar ka mid ah warbaahinta ka howl gala deegaanada Puntland ayaa sheegaya in dagaalyahanada qaar ay dadka deegaanka u sheegeen inay taageersan yihiin Kooxda ISIS ee fadhigoodu yahay Ciraaq iyo Suuriya.
Maamulka Puntland ayaa labadii maalmood ee u dambeeyay kulamo deg deg ah ka lahaa dhaq dhaqaaqyada ku soo kordhay deegaanadooda, waxaana socda abaabulo aad u xoogan oo looga hortagayo dagaalyahanada hubeysan ee ku soo qul qulaya xeebaha Puntland.
Ceegaag.com
Figradihiina