Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Maarso 19, (Ceegaag)— Abaanduulaha Ciidamada xoogga dalka Jen. Cali Baashi Maxamed ayaa sheegay inay diyaar u yihiin in Maamulka Puntland ay u diraan ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka, si ay uga qeyb qaataan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.
Isagoo wariyeyaasha kula hadlayay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ay ka dhoofayeen labo diyaaradood oo hub u sida Puntland ayuu sheegay in hubkan uu qeyb ka yahay taakuleynta ciidamada.
“Marka Ciidan laga taakuleeyo xaga hubka, saanada, rasaasta iyo raashinka, waxaa dhismaya moraalka ciidanka, maantana halkan waxaa ugu diraynaa saanada hubka ah Ciidamada qeybta 54aad ee Puntland”ayuu yiri Abaanduulaha Ciidamada xoogga dalka.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in taakuleynta ay siinayaan ciidamada Puntland ay noqon doonto mid joogto ah, isagoo xusay in hadii Ciidamada Puntland ka codsadaan ama laga tan-bato ay ciidamo ka tirsan xoogga dalka u dirayaan.
“Hadii laga tan bato ama ay naga codsadaan ciidamo ayaa u direynaa”ayuu yiri Abaanduulaha Ciidamada xoogga dalka Jen. Cali Baashi.
Puntland ayaa horay u sheegtay in aanay u baahneyn ciidan ka socda AMISOM ama kuwa ka tirsan dowladda Federaalka in loo soo diro deegaanadeeda, si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab.
Boqolaal dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa 14-kii bishan deegaano dhaca xeebaha oo ka tirsan Gobollada Mudug iyo Nugaal kaga degay doonyo dheereeya, iyadoo dagaalyahanada ay deegaano ka tirsan Nugaal kula dagaalamayaan ciidanka Puntland.
Ceegaag.com
Figradihiina