Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Puntland iyo Al-Shabaab oo maalintii afaraad ku dagaalamaya Togga Suuj

Maarso 19 (Ceegaag)— Dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada Puntland iyo Al-Shabaab ayaa maalintii afaraad ka socda Togga Suuj, halkaasoo wali lagu loolamayo, waxaana maanta oo sabti ah aaggaas laga maqlayay rasaas goos goos ah.
Saraakiisha Puntland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen afar ka mid ah dagaalyahanada Al-Shabaab ee go’doonka ku ahaa aaggaas.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamada Puntland ay wali fooda geli la’yihiin Togga Suuj, taasna ay keentay in dagaalka uu dheeraado, isla markaana ay meesha ka baxdo sheegashooyinka ka soo yeerayay Saraakiishooda ee ahaa inay soo afjarayaan.
Waxaa wali adag in la helo warar madax banaan oo ku aadan xaalada goobta, marka laga soo tago guulaha ay sheeganayaan ciidanka Puntland, wali waxaa muuqata in xaalada goobta aanay wali fari ka qodneyn.
Togga Suuj oo ah meel biyo ah, godod iyo buuro leh ayaa cida ka dagaalanta ay adag tahay in laga saaro, hadii ay heystaan saanad iyo sahayba, waxaana aaggaas aheyd goobihii uu horay Sayid Maxamed Cabdulle Xasan kula dagaalamay Gumeystihii.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dhaawacyada askar ka tirsan Ciidamada Puntland la gaarsiiyay Isbitaal ku yaalla magaalada Garowe.
Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafay ciidamo fara badan u daabushay deegaanada ay xiisadaha dagaal ka jiraan, iyadoo ciidankii halkaas horay ugu sugnaa la gaarsiiyay saanad ciidan iyo sahay.
Ciidamada u dambeeyay ee gaaray deegaanka Garacad iyo deegaanada ku dhow dhow ayaa waxaa hogaaminayay Wasiiro iyo Saraakiil ciidan.
Dhinaca kale waxaa saaka uu dagaal ka dhacay deegaan lagu magacaabo Gawl oo ku dhow deegaanka Garacad, faah faahin lagama haayo dagaalkaas.
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply