Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Marso 26, (ceegaag)- Waxaa Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland maanta ka furmaya Shir looga hadlayo Xaaladda Soomaaliya, kaas oo u dhexeeya Wafdi uu hor kacayo Wasiirka Koowaad ee Xukumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake iyo Madaxda Maamulka Puntland.
Shirkaan ayaa ujeedadiisu waxay tahay sidii Xukumadda Soomaaliya ay ugu qancin laheyd Puntland qaadashada Nidaamka 4.5 ee lagu soo xulayo Xildhibaanada Dowladda soo socota islamarkaana Puntland ay horay u diiday.
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ujeedka socdaalka Ra’iisul-wasaaruhu ku qotonto sidii Puntland iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya ay uga wada hadli lahaayeen geeddi-socodka Nabadda Soomaaliya iyo marxaladda kala guurka ah ee uu ku jiro dalka Soomaaliya.
Dhanka kale Ra’iisul-wasaaraha ayaa sheegay inay Puntland ka wada hadli doonaan masiirka ummadda Soomaliyeed iyo sidii looga bixi lahaa xilliga kala guurka ah ee uu kujiro dalka Soomaaliya.
Maamulka Puntland ayaa waxay marar hore sheegeen inaysan marna aqbali doonin qeybsiga 4.5 laakiin waxaa lagayaabaa inay shirarkan socda wax iska badali doonaan.
Ceegaag.com
Figradihiina