Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Maarso 26 (Ceegaag)— Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ka mid ah Duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa faah faahin ka bixiyay kulamo ay la qaateen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo maalintii labaad ku sugan magaalada Beledweyn.
Ugaaska ayaa sheegay in Madaxweynaha ay hor-dhigeen saddex qodobo oo kala ah in marka Gobolka Hiiraan ay wax la qeybsato 8-dii Gobol ee uu dalka lahaa, in dib u heshiisiin la dhigo iyo in gogosha lagu soo celiyo Beledweyn.
“Waxaan hordhignay Madaxweynaha saddex qodob in Hiiraan 8-dii Gobol wax la qeybsato, in dib u heshiisiin la sameeyo, iyo in gogosha dib loogu soo celiyo Beledweyn, sagaal bilood ayay gogosha halkan ka furneyd, dowladda codsi ayaa u jeedinay”ayuu yiri Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.
Ugaaska ayaa sheegay in aanay wax diidmo iyo aqbalaad midna aanay kala kulmin Madaxweynaha, waxaana uu xusay in horay codsigan ay ugu jeediyeen Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.
Madaxweynaha ayaa wali kulamo la leh odayaasha dhaqanka, waxaana uu xalay u gudbay galbeedka magaalada, gaar ahaan xaafada Howlwadaag, halkaasoo odayaal ka soo jeeday kula kulmay.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweynaha ay is afgarteen Odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda Galbeedka Beledweyn, balse wali uu culeys kala kulmayo beesha degta bariga Beledweyn.
Shirka maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/Dhexe ee ay gogoshiisa taalo Jowhar ayaa wali hakad uu ku jiraa, iyadoo dowladda Federaalka isku dayayso sidii shirka dib loo furi lahaa, odayaasha dhaqanka ee saluugsan ay uga qeyb geli lahaayeen.
Lama oga dadaalkan ugu dambeeya ee Madaxweynaha ugu jiro sidii xal looga gaari lahaa tabashada ay qabaan Odayaasha dhaqanka reer Hiiraan u guuleysan doono, waxaana marar badan uu Madaxweynuhu ku noqday Beledweyn aanu wax natiijo ah ka keenin, marka la eego diidmada Odayaasha ka imaanaya iyo shuruudaha adag ee ay wataan.
Ceegaag.com
Figradihiina