Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Golaha Amaanka ee QM oo muddada u kordhiyay hawlgalka ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM –

Maarso 27,(Ceegaag) — Golaha Ammaanka ee QM, ayaa muddo hal sanno ah ku kordhiyay xilliga hawlgalka ciidamada ururka Midowga Afrika ka socda ee Somalia jooga, xilli ururka Midowga Yurub dhawaan uu shaaciyay inuu jarayo qayb ka mid ah dhaqaalihii uu ku caawin jiray ciidamada AMISOM.
Muddada ay ciidanka AMISOM kasii shaqeynayaan Somalia ayaa la gaarsiiyay illaa Bisha Jannaayo ee Sannadka soo socda – 2017-la, sida lagu xusay Qaraar ay soo saareen xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ayaa ku sheegay sababta loo kordhiyay mudada hawl-galka ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM sidii loo xoojin lahaa Taageerada Dowladda la wareegi doona xukunka Somalia kaddib doorashooyin dalka ka dhaca dhamaadka 2016-ka.
Ciidamada AMISOM ee Somalia ku sugan oo Tiradoodu ka badan tahay 22,000 oo Askari ayaa ka socda qaar ka mid ah dalalka Afrika oo ay ku jiraan kuwa jaarka la ah Soomaaliya, iyagoo Dowladda federaalka Somalia ka caawiya sidii ay isaga cabin lahayd Al-shabaab.
Qaraarka Golaha Ammaanka ee Muddada loogu kordhiyay AMISOM, ayaa wuxuu ku soo beegmayaa, iyadoo bishii la soo dhaafay ay Muqdisho kula kulmeen Madaxweyne, Xasan Sheekh ku xigeenka siyaasadda ee Xog-hayaha Guud ee QM, Jeffrey Feltman iyo wakiilka QM ee Somalia, danjire Michael Keating, iyagoo kala hadlay xoojinta hawl-gallada dhanka ka ah Al-shabaab iyo sidii ay Somalia uga dhici lahayd doorasho dhammaadka Sannadkan.
Sidoo kale, Ciidanka AMISOM ayaa waxay bilhii ugu dambeeyay weeraro kala kulmayeen xoogagga Al-shabaab, kuwaasoo uu ugu dambeeyay weerarkii 15-kii Jannaayo 2016-ka, ay Al-shabaab ku qaadday xerada AMISOM ee Ceel-cadde, halkaas oo lagu dilay in ka badan boqol Askari oo Keenyaan ah, kuwo kalena lagu qabtay.
Golaha Ammaanka ee QM, ayaa waxay Jimcihi sidaan oo kale xilliga u kordhiyeen Hawl-galka Xafiiska Qaramada Midoobay ee Somalia UNSOM, kaasoo Shaqeynaya illaa 31-ka bisha Maarso ee sannadka soo socda ee 2017-ka.
Ugu dambeyn, Muddo kordhinta loo sameeyay ciidamada AMISOM ee Somalia ku sugan, ayaa waxay imaanaysaa xilli shir lagu qabtay toddobaadyo ka hor Jabuuti lagu dalbaday in la xoojiyo ciidamada AMISOM si ay ku kordhiyaan dagaallada lagula jiro Al-shabaab.
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply