Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Waxa buuxdhaafiyey Emailada iyo facebookyada warbaahinta xalaasha ah ee Khatumo weydiimo fara badan oo dadku ku doonayaan inay ogaadaan cod laga duubay shir lagaga tashanayey cadowga dhulkeena haysta ee Somaliland, kaasoo qodobada laga hadlayey ahaayeen kuwii ugu xaasaasi sanaa ee dad ka wada hadli karaayo taasoo ku saabsan in ciidan la dhiso, lana helo dhaqaalihiisa, shirka waxa fadhiyey madaxweynaha Wasiirada Gudaha, Aminiga, Debeda iyo dhamaan muraayadii reer Khaatumo. Goobtu waa Buuhoodle xaajaduna waa sidii adhaxda looga jabin lahaa Isaaq iyo maleeshiyaadkooda, waxa telefoon Smart phone ah hoos dhigay dadkii nin naftiisa ku sheegay halgame Kornayl balse ah basaas cadowga Somaliland wakiil uga ahaa xog raadinta Buuhoodle iyo Khaatumo.
Ninkan waxa lagu magacaabaa Bashiir Maxamed Xirsi Khaalid oo London dadkii u dagaagay ka mid ahaa, sidoo kale si qarsoodi ah in badan u dhexboodayey halgamadii Khaatumo inkastoo marwalba laga ilaalinayey inuu lug ku yeesho masiirka iyo kulamada Muhiimka ah, ka dib markii la ogaaday inuu xidhiidh dhaw la lee yahay maamulka SNM gaar ahaan Xaglatoosiye oo uu u yahay ninka Boodhi gaadhka u noqda marka uu London ka tago, sidoo kalena dhawaan odayaal ay u keeneen Madaxweyne Galaydh ay ugu sheegeen in loo doonayo in ciidamada Khaatumo qayb ahaan madax looga dhigo, balse warbaahinta cadowga ee beesha Isaaq iyo kuwa Basaasiinta ahi ku tilmaameen inuu yahay Taliye ciidan taasoo been abuur ah.
Ninkan ayaa dood lagaga doodayey ciidamo sidii loo dhisi lahaa telefoonkiisa hoos dhigay madaxda iyo wasiiradda, wuxuuna codkii ka iibiyey sida la sheegay sirdoonka maamulka Somaliland gaar ahaan wasaarada gudaha ee ina Warancadde taasoo ayaduna u sii gudbisay warbaahintooda sida idinka muuqata shorscreenkan aan ka soo qaadnay.
Cidkastaa waa garanaysaa in ninka codka duubayaa yahay Basaas Bashiir, xataa qofka aan aqoonta saxafadeed iyo mihnadda duubisteeda aqoon ayaa garanaayo, codkiisa ayaa waadic ah oo aad ugu dhaw ayadoo laga garanayo inuu jebkiisa ku jir telefoonku ama horyaalo, halka Madaxweyne Galaydhna uu ka fog yahay hadalkiisu iyo wasiiradda kale.
Hadaad maqli jirtey dhagar qabe dhulkaa u dhaq dhaqaaqa, waa kanoo kale, ayadoo la isku ogaa in codka ay SNM uun ka faa’ideysato ayuu Basaas Bashiir arkay ayadoo warbaahintooda ay siiyeen, wuxuuna judhiiba u yeedhay warbaahinta wuuna is hayn waayey, asagoo xog ogaal iska dhigaya ayuu muuqaalkan oo afartan daqiiqo ah iska soo duubay, waxaase hubaal inuusan meelaba ka soo gelin waxii halgan ahaa ee aan ahayn shaqadiisan hada soo shaac baxday.
Halkani Video Shir jara’id Oo u Qabtay
Hadalkiisan uu guud ahana halgankii been kaga sheegayo, hadana waxa u dheer sida uu u doonayo sidii Khaatumo u burburi lahayd, isla markaana wuxuu aad isugu dayaya inuu dadka ka dhaadhiciyo inuu yahay nin aan siyaasi ahayn balse hada la ogaaday inuu yahay basaas dhaba. Luqada ugu badan ee hada uu ku hadlayo ayaa laga dhadhansanayaa inay tahay hadalkii Saleebaan Xaglatoosiye oo u meershey, asagoo marna madaxweyne Galaydh ku Eedeynaya dagaal ayuu iclaamiyey marna leh dagaal lama doonayo.
Sida ay sheegeen goobjoogayaashii shirkan hada uu duubay arimaha uu bixiyey waxay kala kiciyeen duulaamo culus oo lagu waxyeeleyn lahaa cadowga ayadoo codadka qaybta ay la hadhay Somaliland ay ka buuxeen wadatashiyadii fadhigaas lagu gaadhay ee ku saabsanaa Widhwidh dagaal lagu qaadi lahaa iyo goobo kale oo dhanka Gambadhe ah, ayadoo codka ninkaasi gudbiyey ay dhabar jab ku noqdeen Khaatumo, khatarna hada ay geliyeen mas’uuliyiin naftooda hawlgalo ku jirey oo wasiiro ka mid ahaayeen oo ninkaasi xogtooda bixiyey, sidoo kalena ciidamada ku dhufoo ka dhaqaaqda ka wada Aagaga cadowgu fadhiyo uu dhamaantood xogtooda siiyey cadowga sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Khaatumo.
Isku soo wada duubo hadaan ninkan si deg deg ah Maxkamad loo soo taagin, ayaa waxa imaan doonta in danbiile kasta oo danbu qaran galaa uu iska dhex mushaaxo Buuhoodle.
La soco qaybta labaad ee ninka taariikhdiisa, inta hawlgal ee uu xogtooda dhiibey, dagaaladii lagu jabay qaarkood oo la tuhusan yahay iyo badhitaan warbaahinta Khaatumo qaaday oo huffan.
Hamse Maxamed Cabdi
wya2007@hotmail.com
Figradihiina