Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Abriil 02, (Ceegaag) — Magaalada Muqdisho, ayaa Maanta looga dhawaaqay Is-baheysi loogu magac-daray Rajada Somalia; iyadoo furitaankiisa ka qayb-galeen qaybaha kala duwana ee bulshada iyo bahda saxaafadda.
Ugu horreyn, Waxaa goobta ka hadlay, Faahfaahinna ka bixiyay Isbahaysiga Rajo C/casiis Maxamuud Maxamed oo ka mid ah aasaasayaasha isbaheysigan, isagoo sheegay in ujeedka loo daah-furay ay tahay – inuu qiimeyn ku sameeyo dadka Soomaaliyeed ee dadkooda wax u qabtay.
“Isbahesiga RAJO kuma shaqeeyo qabiil, siyaasad, koox, IWM, laakiinse wuxuu u taagan yahay inuu bulshadiisa wax u qabto,“ ayuu yiri C/casiis oo intaa raaciyay in bilooyinka soo socda uu qiimeyntaas billaabi doono, ayna bisha August 2016-ka, ay ku dhawaaqi doonaan cidda ku guuleysatay abaal-marinta oo ah mid aad u qiimo badan, isagoo dhinaca kale ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed oo dhan in ay u Gurmadaan Shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.
Xubihii kale ee halkaas ka hadlay Waxaa ka mid ahaa; Diini Maxamed Diini oo u hadlayay SOSCENSA, isagoo sheegay in bulshada rayidka ay so dhaweynayaan isbaheysiga Rajo oo uu tilmaamay inuu yahay mid bulshadeena wax u qabanaya isagoo ugu baaqay dhammaan qaybaha kala duwan ee Warbaahinta inay ka Qayb-qaataan u gurmashada dadka Abaaraha dalka ka jira saameynta ku yeesheen.
Sidoo kale, Maxamed Maxamuud Ducaale oo Xubin ka ah Isbaheysigan Rajo oo ka hadlay goobta, ayaa sheegey in Dadka Soomaaliyeed marka ay fikirkooda isku dar-sadaan ay wax badan qabsan karaan, wuxuuna raaciyay. “Isbaheysiga Rajo wuxuu Qiimeyn doonaa oo uu Abaal-marin guddoonsiin doona cid kasta oo waddankaan iyo dadkaan wax u qabta.”
“Somalia waxy leedahay 300 oo waadi, kuwaasoo soo rogo biyo badan, marka waa Nasiib-darro in biyahaas aan laga faa’iideysan,” ayuu intaa ku daray Ducaale oo xusay in bulshada looga baahan yahay inay la yimaadaan hal-abuur ay dalkooda ku dhistaan
Guddoomiyaha Haweenka Magaalada Birmingham ee waddanka Britain, Xaali Cali Siyaad ayaa iyana sheegtay in ay dhankooda soo dhaweynayaan Isbaheysiga Rajo, iyadoo Ballan-qaaday inay dadka Soomaaliyeed ee dibadaha dalka ku nool ay gaarsiinayso isbahaysigaan. Waxayna intaas raacisay. “Waa markii u horreysay ee aan maqlo Isbaheysi aan lahayn wax xafiis ah, marka waa inaan isbahaysigaan la shaqeynaa.“
Waxaa magaca saxaafadda Soomaalida ku hadlay Ismaaciil Khaliifa oo goobtaas ka ballan-qaaday in bahda Warbaahintu la shaqeynayaan Isbaheysigan Rajo, ayna siin doonaan wixii warbixin oo ku saabsan xaaladaha ka jira Soomaaliya.
Ugu dambeyntii, Hal-ku-dhigga Rajo ayaa ah; “Soo nooleynta Dalkeenii Burburay” “Dib u eegista Dareenka Dadweynaha” “Daris-wanaag iyo Nabad lagu Diirsado” “Dadaal iyo Dul-qaad Daruuf kastoo nala soo darista” “Danta guud oo loo wada dadaalo” & “U danqashada Dalkeenna dihan”.
Ceegaag.com
Figradihiina