Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

DEG DEG: Wasiirka Arrimaha Dibbada Itoobiya iyo xubno ka tirsan Beesha Caalamka oo gaaray Garowe

April 3 (Ceegaag)— Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Dr. Tedros Adhanom iyo xubno ka tirsan Wakiilada Beesha Caalamka u fadhiya Soomaaliya ayaa goor dhow gaaray magaalada Garowe ee Caasimada Puntland.
Sida ay sheegayaan wararka xubnaha gaaray Garowe ayaa diyaarado gaar gaar ah ku tagay, iyadoo haatan kulan albaabada u xiran Madaxtooyada Garowe kula leeyihiin Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Puntland.
Wafdiga gaaray Garowe ayaa waxaa ka mid ah Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire Micheal Keating, Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Micheal Cervone D’urso, Safiirka Talyaaniga, Safiirka Turkiga, Ergeyga IGAD iyo xubno kale.
Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in kulan looga hadlayo hanaanka doorasho ee Soomaaliya uu ka dhaco Xarunta Wasaaradda Caafimaadka Puntlad, iyadoo kulankan ay ka qeyb galayaan xubnaha Beesha Caalamka ee gaaray Garowe.
Wararka qaar ayaa sheegaya in kulankaas lagu soo bandhigayo heshiis dowladda Federaalka iyo Puntland ka gaareen arrinta 4.5 ee lagu soo dhisayo dowladda soo socota.
Puntland ayaa horay uga biya diiday nidaamka 4.5, waxaana kulamo badan iyo cadaadisyo Puntland arrintaas lagu saarayay ay keentay in Puntland ka soo dabacdo mowqifkeeda.
Wararka ayaa sheegaya in Puntland ay soo bandhigtay shuruudo ay siisato qaadashada nidaamka 4.5, waxaana la sheegay in shuruudaha qaar laga aqbalay.
Kulamadii xiriirka ahaa ee Garowe ku dhex maray Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Puntland iyo Guddiyadii labada dhinac ee wada hadalka socday ayaa kulamadaas waxay ahaayeen kuwo la isku mari la’aa oo aanay wax natiijo ah ka soo bixin.
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply