Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Jaamacadda Muqdisho oo ah Jaamacaddii ugu horeysay ee wadanka laga hirgeliyay burburkii kadib bulshadana gaarsiisay adeeg waxbarasho oo tayo leh lana mid ah kan caalamka waxay mudadii ay jirtay ka mid noqotay xubin firfircoona ka tahay ururo Jaamacadeed oo caalami ah iyo kuwo heer gobal ah oo ay la wadaagto halbeega waxbarasho ee caalamka, tayada iyo waxqabadka hufan.
Iyadoo taa laga anbaqaadaayo ayaa arday ka tirsan Jaamacadda Muqdisho waxay ka qeybgaleen tababar iyo tartan ku saabsan ka hortagga iyo maareynta musiibooyinka. Tababarkan iyo tartankanba waxaa soo qabanqaabiyay golaha ururka jaamacadaha adduunka uqaabilsan baaridda iyo ka samatabixinta musiibooyinka (International Universities of Search and Rescue) oo Jaamacaddu xubin firfircoon ka tahay. Ururkan ayaa waxaa ku mideeysan Jaamacado ku kala yaalla qaaradaha adduunka sida Afrika, Aasiya, America, Yurub iyo Australiya. Tartankan ayaa wuxuu ka dhacay Jasiiradda Qubrus.
Waxaa xusid mudan in ardayda Jaamacadda Muqdisho ay ahaayeen kooxdii ugu sareysay sanadkaan Qaaradda Afrika dhanka tartanka iyo tababarkaba. Waxay kasoo hooyeen kaalin lama illaawaan ah waxayna kasbadeen taageero aad u heer sareysa iyagoo sara uqaaday magaca Afrika, Somaaliya iyo kan Jaamacadda Muqdisho.
Arrintani waxay tusaale wanaagsan utahay sida firfircoonida leh ee Jaamacadda Muqdisho ugu taagantahay tayaynta waxbarashada iyo adeegyada kale ee bulshada si ardaydeedu ula jaanqaadaan asaagooda caalamka kale wax ka barta.
Ardayda Jaamacadda Muqdisho waxay tusaale fiican uyihiin dhamaan dhalinyarada Soomaaliyeed oo waqti badan ku fikira iney dalka ka tahriibaan si ay ugaaraan wadama reer galbeedka iyagoo ka cararaya wadankooda laakiin taa bedelkeeda ardayda Jaamacadda Muqdisho iyagoo ku kalsoon Allahooda kuna qanacsan wadankooda iyo waxbarashadooda waxay marwalba wadamada Yurub iyo meel walba uga qeybgalaan tababarro iyo tartamo waxayna iyagoo guul huwan kusoo laabtaan wadankooda sidaa darteed waxay arintaani farriin udireysaa dhalinyarada Soomaaliyeed iney ku daysadaan ardayda Jaamacadda Muqdisho.
Ustaad Maxamuud Sheekh Cali oo ah madaxa arimaha ardayda ee Jaamacadda Muqdisho ayaa u hambalyeeyay ardaydaan kasoo faa’idaysatay tartankaan guulana kasoo hoyay. Wuxuuna halkaas kasheegay in ardayda tartanka kaqaybgashay ee Jaamacadda muqdisho ay matalayeen dhamaan Afrika, Carabta, iyo Soomaaliya, wuxuuna u mahad celiyay laanta socdaalka iyo Jinisiyada Soomaaliyeed oo ardayda Jaamacadda Muqdisho aaminaad balaaran siiyay maantana iyaga oo dhanna ay dalka dib ugu soo laabteen.
Waxaa isna soolaabashadooda ardaydani ka hadlay taliyaha socdaalka iyo jinsiyadaha soomaaliya jeneraal c/laahi gaafoow oo u mahad celiyay ardayda Jaamacadda Muqdisho oo uu ku amaanay sida xil kisnimada leh iyo wadaniyada ay ku dheehantahay ee ay ugu soo dhalaaleen inay dalkooda dib ugu soo laabtaan markay soo dhamaystaan tartaankaas.
“markii ay ardaydaan dhoofayeen waan walwalsanaa inaysan soo laabanayan laakiin maanta waxay ardayda Jaamacadda Muqdisho nagu abuureen kalsooni aad usaraysa”. Wuxuu hadalkiisii sii raaciyay generaal C/llaahi Gaafow, anagoo kaduulayna kalsoonida ay nagu abuureen ardayda Jaamacadda Muqdisho waxaan 10-ka arday ee ugu horeysa ardayda Jaamacadda Muqdisho inaan siin doono 10 Passport oo lacag la’aan ah.
Sidoo kale waxay ardayda Jaamacadda Muqdisho aan kusoo dhawaynaynaa inay cilmi baaris ama buugaagtooda qalin jabinta inay ku sameeyaan laanta socdaalka iyo jinsiyada Soomaaliya.
Ugu danbeyn Jaamacadda Muqdisho waxay amaan iyo bogaadin usoo jeedineysaa ardaydii ka qeybgashay tababarkan iyo tartankan heerka Caalami ah waxayna ugu hambalyeyneysaa guusha wax ku oolka ah ee ay kasoo hooyeen.
Figradihiina