Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Shir ay Soo Qaban Qaabiyen Jaaliyada Khatumo ee Wadanka Belgium Looguna talagalay Dhalinyarada

Shalay ayaa waxaa laysugu yimi shir aad u balaaran oo ay kasoo qayb galeen qaybaha kala duwan ee bulshada jaaliyada Khatumo ee ku dhaqan wadanka Belgium, kulan kan oo ku saabsana midaynta dhalinyarada iyo isbarashadooda kaasoo looga hadlay arimo farabadan dhalinyaraduna ku dhiibatay afkaartooda xorta ah, shirkan waxaa soo qaban qaabiyay gudiyada arimaha bulshada ee Khatumo State ee wadanka Belgium, waxa bulshadii shirka fadhiday kasoo hormuuqday xiriiriyaha shirka Abwaan Saalax Cali Doob oo bilaabay daadihinta shirka waxaana lagu furay aayadaha quraanka kariimka oo uu aqriyay Sh cabdirashiid Buuhoodle kadibna waxaa lagu soo dhaweeyay Gudomiyaha Jaliyada Khatumo ee wadanka Belgium Mudane Maxamed Cige oo kahadlay arimo badan oo ay ugu horaysay qaabkii ay uqabsoontay Maalinka Nadafada ee 18 May, waxa kaloo tacsi loodiray mujahidintii lagu xasuuqay magaalada laascaanood ee Gobalka Sool, sidookale wuxuu ku dheeraaday Gudomiyuhu isku xirnaanta dhalinyarada iyo iska warhayntooda iyo sidii aragti midaysan looga yeelan laha horumarinta iyo jiritaanka maamulka Khatumo State of Somalia, iyo dibu xoraynta gobalada maqan.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply