Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
War hada uuna Soo gaadhsiiyay Madaxwaynaha Madasha 60ka Asadnaa Suudi ayaa sheegaya in lagu dhawaaqay Gudiga doorashooyinka Qaran ee Soomaaliya 2016 .
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay guddiga doorashooyinka heer Federaal, kaasi oo qaabilsan diyaarinta qaabka doorashooyinka dalka ka dhacaya dabayaaqada sanadkaan 2016-ka.
Xubnaha uu magacaabay Madaxweynaha ayaa isugu jira Wasiiro ka tirsan xukuumadiisa, Wakiilo ay soo magacowdeen maamul goboleedyada dalka, iyadoona Somaliland ay laba xubnood ay u matalayan doorashooyinka.
Magacyada Guddiga Doorashada Heer Federaal ee uu Madaxweynaha ku dhawaaqay waa kuwaan hoos ku qoran:-
1-Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowa, Wasiir DFS
2-Maxamed Jaamac Mursal, Wasiir DFS
3-Xuseen Maxamed Sheekh Xuseen, Wasiir DFS
4-Sahra Maxamed Cali Samatar, Wasiir DFS
5-Maxamed Cabdi Xayir, Wasiir DFS
6-Saalax Axmed Jaamac , Aqoonyahan
7-Maxamed Kaynaan , Aqoonyahan
8-Nafiisa Geedi Santuur, Aqoonyahan
9-Cabdiraxmaan Xaashow , Aqoonyahan
10-Barlin Cadami , Aqoonyahan
11-Cabduweli Xirsi Cabdulle , Wasiir Puntland
12-Saadiq Abshir Garaad , Aqoonyahan PL
13-Aadam Ibraahim Aw-xirsi , Wasiir Jubaland
14-Cabdicasiis Shiikh Xuseen Dayib, Aqoonyahan JL
15-Cabdiraxmaan Aadan sale , Wasiir Koonfur Galbeed
16-Maxamed Cabdi Nuur, Aqoonyahan KG
17-Xuseen Qaasim Yuusuf , Wasiir Galmudug
18-Cabdulaahi Salaad Yarow, Aqoonyahan GM
19-Axmed Maxamed Siciid, Somaliland
20-Fardowsa Maxamed Ducaale , Somaliland
21-Aamina Cabdulaahi Dheerow, Gobolka Hiiraan
22-Raaxo Maxamed Janaqow, Gobolka Sh/dhexe.
Ceegaag.com
Figradihiina