Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

AFUR WADAREED AY HAY’ADA QATAR CHARITY USAMAYSAY ARDAYDA JAAMACADDA MUQDISHO

Afur wadareed ay iska kaashadeen jaamacadda muqdisho iyo hay’ada Qatar charity loona qabtay ardayda dhigata jaamacadda muqdisho ayna kafaala qaaday hay’ada qatar charity ayaa afur loogu sameeyay magaalada muqdisho.

 

ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay madaxa arrimaha ardayda jaamacadda muqdisho ustaad Maxamuud sheekh Cali oo sheegay in ardaydaan maanta afurka loo samaynayo ay yihiin ardayda ay sida goonida ah u kafaala qaaday dhanka waxbarashadooda hay’ada Qatar Charity.

 

Sidoo kale waxaa isna halkaa ka hadlay lataliyaha guddoomiyaha jaamacadda muqdisho ee arrimaha daraasaadka sare Dr. Sheekh Axmed Xasan (Qudubi) oo halkaa ka jeediyay kalimad ku saabsan faa’idada ku jirta bisha ramadaan iyo sida ay tahay in looga faa’idaysto.

 

Madaxa hay’ada Qatar Charity ee xafiiskeeda Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Cumar ayaa u hambalyeeyay ardayda Jaamacadda Muqdisho xiritaanka sanad waxbarashadeedka jaamacadda muqdisho iyo hambalyada guud ee bisha Ramadaan wuxuuna u rajeeyay inay ka faa’idaystaan fursadan ay siisay hay’ada Qatar Charity.

 

waxaa isna kahadlay guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr. Cali Sheekh Axmed Abuubakar ayaa u hambalyeeyay labada munaasabadood ee bisha Ramadaan iyo xiritaanka sanad waxbarashadeedka jaamacadda Muqdisho 2015-2016.

 

“Furitaanka Jaamacadda Muqdisho waxaa kow ka ahayd inay soo saarto hogaan dhamaystiran waxaadna ogaataan inaad tihiin hogaamiyayaashii markasta bulshada Soomaaliyeed u horseedi lahaa horumar dhan walba ah” sidaasna waxaa yiri Dr. Cali Sheekh Axmed Abuubakar guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho.

 

ugu dambayntii waxaa hab socodka barnaamijkii afur wadareedka soo xidhay sii hayaha safaarada dalka Qadar ee Soomaaliya wuxuuna hambalyeeyay ardayda Jaamacadda Muqdisho iyo hay’ada Qatar Charity howsha Qiimaha leh ee ay bulshada u hayaan.

 

wuxuuna ku soo gabagaboobay afur wadareedkii jawi aad uqurux badan.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply