Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga oo soo bandhigtay Qorshaha Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya ee saddexda sano ee soo socota

Soomaaliya ayaana aysanba jirin qorshe dowladeed oo wadanka lagu horumarinayo ilaa intii ay dhacday dawladii dhexe, hadaba wasiirka qorshaynta iyo xidhiidhka caalamiga ah CAYNTE ayaa dardar galiyay inuu sameeyo qorshe dawladeed sadexda sano ee inagu soo aadan walow lala sugayo doorashada dalka si loo meel mariyo Caynte ayaa maanta soo bandhigay qorshahaas ‘Maanta waxay aniga iyo dhammaan bahda Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga noo aheyd maalinta noogu farxadda badan. Sanad iyo bar kaddib, waxaan ku guuleysannay inaan soo bandhigno Qorshaha Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya ee saddexda sano ee soo socota. Inkastoo uu yahay qormadii koobaad, haddana waa markii ugu horreysay muddo 30 sano ah ee uu dalku sameysto Qorshe Qaran. Allah ayaa mahaddaas iska leh, kaddibna intii gacanta ka gaysatay.

Afar hadaf oo aasaasi ah ayuu Qorshaha Qaranka leeyahay: 1. Yareynta saboolnimada baahsan iyo abuurista shaqooyin. 2. Dibu dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, sida tamarta iyo biyaha nadiifka, waddooyin, dekedo iyo airports. 3. Sare u qaadidda tayada iyo kartida hey’adaha dowladda si ay adeeg bulsho u bixiyaan. 4. Xoojinta siyaasadda ku saleysan wadar-oggolka, dibu qaabeynta laamaha amniga iyo xoojinta sarreynta sharciga’.

Ka Akhriso Halkan PDF Nuqul Engiriis ah National-Development-Plan-Summary

Creegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply