Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Cadaalad Daro Kajirta Saami Qaybsiga xubnaha Daarood ee Baarlamaanka Dawlada Federaalka Soomaaliya

KUDr Cabdiwali M Cali Gaas, Maxadweynaha Dawlad G. Puntland

Sh Axmad Moxamed Islaam Maxadweynaha Dawlad G. Jubaland

Dr Cumar Cabdirashiid A Sharmarka Ra’iisal Wasaaraha DF Soomaaliya

Ujeeddo:     Beesha Geri  Koombe  ee  Gogosha Garnaqsigga  Saami-qaybsigga Xubnaha Barlamaanka Beesha Daarood.

Warqaddan Waxay Kale oo ku Socotaa

Dhammaan Isimada Daarood:

Ku:   Boqor Burhaan Boqor Muse Boqor

Ku:   Garaad Jaamac Garaad Cali

Ku:   Suldaan Saciid Suldaan Cabdisalaam

Ku :  Garaad Saleebaan Garaad Maxamed

Ku:   Ugaas Xassan Ugaas Yaasiin Ugaas Cabdiraxmaan

Ku:   Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil

Ku:   Islaan Bashiir Islaan Cabdulle

Ku:   Islaan Ciise Islaan Maxed

Ku :   Ugaas Cabdullahi Ciise Noor

Ku:    Suldaan Maxed Suldaan Cabdullahi Cartan

Ku:   Suladaan Cabdiqani Suldaan Xassan X. Cali Baalle

Ku:   Suldaan Cabdullahi Suldaan Cali Sonkor

Ku:   Ugaas Xusseen Ugaas  Maxed Qorane

Ku:   Beeldaaji Jaamac Beeldaaji Cabdullahi Bel.Maxed

Ku:   Suldaan Subeyr suldaan x. Maxed

Ku:   Ugaas Maxed Ugaas Axmed Ugaas Maxed

Ku:   Ugaas Maxed Ugaas Xaashi ugass Xersi

Ku: Inta kale ee Isim Daarood ah

RE: Cadaalad Daro Kajirta Saami Qaybsiga xubnaha Daarood ee Baarlamaanka Dawlada Federaalka Soomaaliya:

 JAALIYADDA BEESHA DAAROOD EE ALBERTA CANADA

Anaga oo ah Odayaasha, Wax garadka iyo Aqoon yahanka  Jaaliyadda Beesha Daarood – Alberta Canada, waxaan Isimadda Dhaqanka Hoggaanka iyo Masuuliyiinta  Siyaasadda, u soo diraynaa Salaan xurmo iyo Xushmad badan.

Waxaan dhamaantiin idinku hambalyaynaynaa inaad ku ciiddaan Caafimaad iyo Nabad-qab ballaaran oo Soomaaliya oo dhan camimta aadna hormuud ka noqotaan.

Hordhac:

Somaliya waxay qaadatay oo ay dan mooday nidaamka Federaaliga ah, kaasoo ah nidaam is-faham siyaayasadeed, runtii waa nidaamyada hadda adduunka lagaga dhaqmo midka ugu macquulsan. Qaabaa’ilka Somalidana kalsooni buuxda siinaya. Waxaynu ogsoonahay in Nidaamkan Federalka ah ee ay Somaliya qaadatay uu  ku dhisan yahay qaab awood qaybsi qabiil, kaasoo aynu u naqaanno nidaamka 4.5 , si ay meeshaasi qolo waliba isaga aragto ayna u muuqato in Dawlad-nimada la wada leeyahay, waxaan is-leenahay waa nidaam ay dad badan oo Soomaaliyeed rumeysan yihiin inuu cadaalad ciriiri gal in karo, islamarkaana lagu dulmin karo beelaha qaar, waa nidaam hoos u sii dagaya oo gaaraya jilibyada hoose,  waa arrin beel kastaa ay sugayso inay ka hesho saamigeeda ay kaga qayb qaadan lahayd go’aanada  masiiriga ah ee dalka, si-ay isaga dhax arkaan xafiisyada iyo shaqooyinka muhimka ah iyo guud ahaan maamulka dalka ama dhaqaale qaybsiga iyo horumarinta. Waxaynu dhammaanteen xog-ogaal u nahay, Sanadkii 2000, Shirkii ka dhacay dalka Jabuuti lagu faahfaahiyay sida saamiga 4.5, loo sii qaybinayo oo macnaheedu ahay in 4 qabiil oo ka mid ah qabaa’illada soomaaliyeed ay helayaan awood dhameystiran oo min hal qayb ah, halka inta ka soo hadhayna  laysu wada-geeynayo markaasna ay qeybsanayaan  hal qayb ah barkeed. Laga soo bilaabo xilligaas, waxaa jira beelo ku qatan oo aan qori-tuuradka qaybtoodii ka helin.

Dulucda Hadalka

Odayaasha iyo Aqoon yahanka Jaaliyadda Beesha daarood  ee Alberta- Canada waxay isla qaadaa dhigeen, muddo dheerna ka doodayeen sababta  beesha Geri Koombe uga qaday amaba aan loo xusin  sami-qaybsigga xubnaha Barlamaanka Beesha Daarood,  oo soo taxnayd ilaa heshiiskii Carte Jabouti ee 2000. Xubnaha ka soo jeeda beesha Daarood ee aan ka hadlayno oo isugu yimid shirar dhawr ah iyo teleconference-yo, waxay ka garaabeen isla markaana garowsadeen khaladka, iyo meel ka dhaca loo gaystay Beesha Geri Koombe.

SOO JEEDIN,Waxaa Odayaasha iyo Aqoon yahanka Jaaliyadda Alaberta u soo jeedinaysaa ISIMADA Dhaqanka, Madaxda iyo Mas’uuliyiinta Maamul Goboleedyada iyo Dawladda Federalka ah, in la isla garto meesha wax ka  khaldameen iyo sababta keentay in aan saamigoodii la siin Beesha Geri Koombe xubnaha Barlamaanka ee Beel-wayntu Daarood qaybsatay.

Waxaa Kale oo la isla gartay sida dhaqanka soo jireenka ah ee Somaliyeed ahaa in Beesha Geri la xaalmariyo lana qanciyo oo jawaab buuxdda oo toleed laga bixiyaa arrinta Gogosha Garnaqsigga leh ee Geri Koombe.

Hadaba waxaan soo jeedinaynaa si xaal marintaasi u meel marto in Isimada iyo Mas’uuliyiinta Dawlad Goboleedyada iyo tan Federalka ahba si degdeg ah isga arkaan Beesha Geri-na laga siiyo Labo xubnood Aqalka Sare Barlamaanka Federaalka qaybta ay ku leeyahiin Beesha Daarood ee Dawlad Goboleedyada  Puntland iyo Jubbaland.

Odayaasha iyo Wax Garadka Beesha Daarood ee Alberta Canada, waxay si buuxda uga  garaabayaan Khaladka Dhacay ee mudada Lix iyo tobanka sano ah Beesha Geri la soo fac-tirsaday, waxayna soo jeedinayaan in isimada Daarood raali gelin ka bixiyaan.

 Isimadda  iyo waxgarad  Beesha Geri Koombe ee Warqaddaan loo gudbiyay waxay kala yihiin:

1)-Garaad Cabdimaalik  Garaad cusmaan

2)-Suldaan Moxamed Sh Hassan Wacdi

3)- SuldaanCaliSheekh Axmed

4)- Ugaas Cabdisalaam Jamac Farax

5)- Ugaas Sh Cabdiqadir Shekh Moxamed Bile.

6)-Professor  Faisal Cabdi Rooble

7)-Aqoonyahan Xassan Cabdullahi Ducaale

Wa Billaahi Tawfiiq

Af-Hayeenka Odayaasha iyo Aqoon yahanka Beesha Daarood Alberta-Canada

Colonel, Pilot Cawil Axmed Xirsi  1(780)802-7856.

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply