Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

XAFLAD LAGU ABAALMARINAYAY ARDAYDA JAAMACADDA MUQDISHO EE KU GUULAYSATAY TARTANKII QUR’AANKA KARIIMKA

Xaflad lagu abaalmarinayay ardayda Jaamacadda Muqdisho ee ku tartamaysay Quráanka Kariimka iyo ardayda kaalimaha koowaad galay Jaamacadda ee ay kafaala qaaday hayáda Qatar Charity ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada muqdisho.
Ugu horayn waxaa ka hadlay madaxa ardayda Jaamacadda Muqdisho ustaad Maxamuud Sheekh Cali oo kawarbixiyay labada munaasabadood ee ay kulansatay xafladii shalay oo ay taariikhdu ahayd 3/7/2016, munaasabadahaan oo kala ahaa tartankii Quráanka Kariimka ee sanad walba ardayda ay ku tartamaan helaanna deeq waxbarasho oo lacag laáan ah, iyadoo barnaamijkaan uu soo bilawday furitaankii Jaamacadda Muqdisho ayna ka faaídaysteen arday badan oo xafidsan kitaabka Quráanka Kariimka guulo waawayna kasoo hoyay.
Waxaa kale oo shalay laguddoon siiyay abaalmarin qiimo badan ardayda kaalmaha kagalay Jaamacadda Muqdisho ee ay kafaala qaaday hayádda Qatar Charity.
Maxamed Macalin Aadam oo kasocday hay’adda Qatar Charity ayaa u hambalyeeyay ardayda ay kafaala qaaday hayádda Qatar Charity oo uu sheegay inay sii hormariyaan dadaalkoodana ay labalaabaan.
Mar uu kawaramayay wax qabadka hayádda Qatar Charity ayaa waxa uu sheegay in hawlo balaaran ay qabatay mustaqbalkana ay hawlo kuwaan kasii waawayn ay qabanayso.
Gebagebaddii Aadam Axmed Xuseen (Xerow) oo kamid ah masúuliyiinta Jaamacadda Muqdisho ayaa ugu hambalyeey ardayda kutartamaysay kitaabka Quráanka Kariimka ah wuxuuna u rajeeyay inuu Ilaahay siiyo carab toosan iyo niyad qoyan wuxuuna ku amaanay sida qiimaha badan ee ay u xifdiyeen Quráanka Kariimka ah wuxuuna kula dardaaramay oraah ama xikmad oranaysay (halkaagana baro hashaadana raac) oo uu ula jeeday inay xooga saaraan waxbarashada ay ku jiraan, wuxuu kaloo u mahad celiyay ardayda ay Qatar Charity kafaala qaaday ee kaalmaha hore ka galay Jaamacadda Muqdisho.
Kulanka wuxuu kusoo gabagaboobay jawi qurux badan ardaydii kaalmaha gashayna waxay hayádda Qatar Charity guddoonsiisay abaalmarin ay ku farxeen.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply