Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
In kabadan 80-tan arday oo isugu jira wiilal iyo gabdho dhigtana Jaamacadda Muqdisho qaybaheeda kala duwan ayaa loosoo gebagabeeyay tababar lagu xoojinayo luqada carabiga socdayna muddo 2 bilood ah ayaa lagu soo gebagabeeyay magaalada muqdisho.
Eng. Cabdiraxmaan Ismaaciil Dhaqane oo uhadlayay hormuudyada Jaamacadda Muqdisho ayaa ku tilmaamay in luqadu ay tahay furaha horumarka iyo nolosha ayna muhiim tahay inay ardayda xil iska saaraan kana faa’idaystaan si’ay u gaaraan horimur tayo leh.
Agaasimaha machadka luqadaha Jaamacadda Muqdisho ustaad Cabdiwali Sheekh Maxamed ayaa ka sheekeeyay waxqabadkii machadka kuna tilmaamay ardayda maanta tababarka uu udhamaaday inay gaarayaan 80-tan arday ayna muujiyeen karti iyo dadaal dheeri ah.
“Muhiimada ay leedahay luqada Carabiga barashadeeda iyo luqadaha kale waa hawl uu machadku markasta u taagan yahay” sidaasi waxaa yiri agaasimaha machadka Jaamacadda Muqdisho.
Macalin kamid ah macalimiintii tababarkaan bixinayay ustaad Yuusuf Shariif ayaa yiri “ guulbaad xaqiijiseen ardadana waxaad u horseedeen dadaal iyo karti aad u sareeya.”
Mas’uuliyiinta Jaamacadda Muqdisho hadaysan marhore kufikiri lahayn waxbarashada heerka ay haatan gaartay maysan gaareen.
Ardaydii uu maanta usoo xirmay tababarkaan ayaa soo bandhigay masraxiyada ay ciwaan ugu dhigeen (nin dalkiisa wax kubaran waayay dalkale wax kuma baran karo).
Gebagabadii waxaa kahadlay guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr. Cali Sheekh Axmed Abuubakar “haddii larabo luqada carabiga in amaanteeda lasheego waxaa amaan ugu filan inay tahay luqaddii Qur’aanka Kariimka uu kusoo dagay” sidaas waxaa yiri goddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho oo intaasi sii raaciyay haddii larabo in sisax ah loo fahmo islaamka waa in si wanaagsan loo bartaa luqada carabiga, afka carabiga ma ahan af ajnabi ah ruuxii Qur’aanka yaqaan afkana waa yaqaan ayuu kusoo gebagabeeyay hadalkiisa guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho.
Tababarkaan ardaydii dhamaystayna waxaa lagudoonsiiyay shahaadooyin Xafladiina waxay kusoo dhamaatay jawi aad u wanaagsan.
Figradihiina