Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xaflad xilwareejin Iyo Maamuus Loo Sameeyay Guddoomiyhii Hore Ee Jaamacadda Muqdisho Dr. Cali Sheekh Axmed Abuubakar

Munaasabad si heer sare loo soo agaasimay ayna kasoo qaybgaleen masuuliyiin kakala socotay baarlamaanka federaalka Soomaaliya, safiiro, bulshada rayidka, aqoonyahaaniinta iyo masuuliyiinta jaamacaddaha dalka laguna maamuusayay xilwareejinta guddoomiyihii ee Jaamacadda Muqdisho Dr. Cali Sheekh Axmed Abuubakar ayaa lagu qabtay hotelka Jaziira ee magaalada Muqdisho.

Ugu horayn waxaa hadalka qaatay Dr. Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi (Baadiyow) guddoomiyaha golaha sare ee jaamacadda Muqdisho ayaa kutilmaamay xilwareejintan mid taariikhi ah oo cashar wanaagsan u ah dadka xilalka haya wuxuuna guddoomiyihii hore Dr. Cali ku tilmaamay halyeey ummadiisa wax wayn u qabtay.

Dr. Cali Sheekh Axmed Abuubakar guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Muqdisho oo hadalka lagusoo dhaweeyay ayaa umahad celiyay golaha sare ee Jaamacadda Muqdisho iyo maaumlkii lasoo shaqeeyay intii uu xilka haayay wuxuuna umahad celiyay shacbiga Soomaaliyeed ee sida wacan u garab istaagay jaamacadda Muqdisho wuxuuna si gooni ah u amaanay waalidka Soomaaliyeed ee kalsoonida siiyay inay ilmahooda wax kabartaan jaamacadda Muqdisho noona rumeeyay shaqadii wanaagsaneed ee aan bulshada u haaynay. wuxuu si gooni ah ugu mahad celiyay Janaraal Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cade), Xaaji Abuukar Cumar Caddaan iyo Daahir Cabdishakuur Warsame uu kutilmaamay inay ahaayeen dad wax wayn usoo qabtay inay Jaamacadda Muqdisho sii jirto.

“Dalka Soomaaliya Jaamacadda Muqdisho waxay u abuurtay rajo balaaran oo ay dad badan dalkooda u aamineen dibna ugu soo laabteen” sidaana waxaa yiri gudoomiyihii hore ee Jaamacadda Muqdisho Dr. Cali Sheekh Axmed Abuubakar.

Waxaa kale oo uu yiri gudoomiyihii hore cid aan ugu kaalmaynay majirto jaamacad si khalad ah loo furay laakiin markasta waxaan ku dhiiri gilin jirnay in lafuro jaamacad tayaysan.

wuxuu kula dardaaramay maamulka cusub inay dadaalkooda hakii kasii wadaan siina laba jibaaraan.

guddoomiyaha cusub ee Jaamacadda Muqdisho Dr. Ibraahim Maxamed Mursal Cali ayaa wuxuu umahad celiyay golaha sare ee jaamacadda iyo guddoomiyihii hore ee jaamacadda Muqdisho Dr. Cali Sheekh Axmed Abuubkar wuxuuna yiri asigoo kahadlaaaya gudoomiyihii hore “wuxuu noo gardaadiyay sida ilamaha loo gardaadiyo, wuxuu lahaa hami qaran waxaana balan qaadaynaa aniga iyo maamulka cusub ee loo igmaday inay hawshan sii wadaan mudada 5-ta sano ee soo socota inaan u wadi doono sidii uu ahaa yoolka Jaamacadda si tacliin sax ah oo tayaysan loo gaaro loona soo saaro dad tayo leh oo wax ku ool ah.”

waxaan xoojin doonaa xiriirka Jaamacada ay lalahayd jaamacadaha caalamka inan sii xaqiijin doono hawlihii aan lawadnay jaamacadada caalamka iyo ururada waxbarashada daneeya.

Dr. Maxamed Axmed Jimcaale guddoomiya Jaamcadda Ummada Soomliyeed (JUS) ayaa ku tilmaamay guddoomiyhii hore Jaamacadda Muqdisho Dr. Cali Sheekh Axmed Abuubakar inuu ahaa aabihii tacliinta Soomaaliyeed xiligii burburka wuxuu u fakiray in xili aan lagu fakiri karin uu wax barasho kabilaabay dalka soomaaliya.

Danjiraha Soomali u fadhiya dalka Koonfur Afrika Jamaal Maxamed Barrow ayaa yiri “guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Muqdisho Dr. Cali Sheekh Axmed Abuubakar waxaan is baranay 1992-kii xiligaasi waxaa dalka Soomaaliya kajiray caga bararka ama gaajadii darnayd si ra’yiga ama fikirkii markaa jiray loo badalo wuxuu aasaasay markas ay kasoo bixi jireen wargayskii dadka iyo majalladdii Al-Ummah waxaa kale oo magaalada Muqdisho laga sameeyay golihii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee uu madaxa ka ahaa Dr. Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi (Baadiyow) markaa kadib ayaa lagu fikiray in lafuro Jaamacadda Muqdisho  oo aan ognahay inay dalka Soomaliya wax wayn ka badashay wax waynna u qabatay.” ayuu yiri danjiraha Jamaal Maxamed Barrow.

Proff. Dr. Cismaan Dufle oo masuul ka ah guddiga adeega arimaha bulshada baarlamaanka federaalka soomaaliya kana mid ah mas’uuliyiinta Jaamcadda Banaadir ayaa ku tilmaamay goddoomiyhii hore ee Jaamacadda Muqdisho Dr. Cali Sheek Axmed Abuubakar inuu yahay halyeyga ummada Soomaaliyeed dhanka waxbarashada, hogaaminta iyo horumarinta waana horseedihii inay jaamacadaha dalka qaarkood u fududeeyay inay ku biiraan ururka Jaamacadaha Carabta wuxuuna u rajeeyay guul waxaa kale uu kacodsaday inuu markastaba xayndhaabka waxbarashada iyo latalinta manhajka wanaagsan inuusan marna kabixin.

Dadkii kahadlay munaasabadda xilwareejinta waxaa kamid ahaa guddoomiyihii hore gobolka banaadir iyo duqa magaalada Maxamed Axmed Nuur Tarzan, Ganaraal Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde, iyo Asli Ismaaciil Ducaale.

Sidoo kale waxaa laguddoonsiiyay gudoomiyhii hore Dr. Cali Sheekh Axmed Abuubakar shahaado Sharafyo oo uu ku mataystay hawshii baaxadda lahayd ee uu usoo qabtay dadkiisa iyo dalkiisa.

Xafladiina waxay kusoo gabagabowday jawi qurux badan oo loo riyaaqay.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply