Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

DUFCADII 20-AAD EE JAAMACADDA MUQDISHO OO LOO SOO GABAGABEE-YEY TODOBAADKA DHAQANKA .

Xaflad lagu soo gabagabeynayey todobaadka dhaqanka jaamacadda Muqdisho ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada muqdisho.

Maalmihii uu socday todobaadka dhaqanka jaamacadda muqdisho ayaa ardayda ku soo bandhigeen hal-abuuro kala gadisan
Oo ay ardaydu ku soo bandhigayeen hiwaayaadkooda.
Ugu horeyn waxaa ka hadlay hormuudka kulliyada dhaqaalaha iyo maamulka mudane ustaad Aadan Axmed Xuseen (Adan xerow) oo sheegay in ay tahay barnaamijkaan wacyegelin loo sameeynayo ardayda si ay jaamacaddu u bartaan ardayda nidaamyadeeda kala duwan iyagana loo barto wax yaabaha ay ku wanaagsanyihiin.

Ugu danbeyntii gudoomiyaha jaamacadda muqdisho Dr.Ibraahim Maxamed Mursal Cali, ayaa ugu mahadceliyey dufcadii 20-aad ee jaamacadda muqdisho ku soo biirtay waad ku mahadsantihiin idinka iyo waalidkiin doorashada aad doorateen jaamacadda muqdisho.

Mar uu ka hadlayey Gudoomiyaha jaamacadda muqdisho Dr.Ibraahim Maxamed Mursal Cali , “Waxaan balan qaadeynaa in jaamacadda muqdisho aad ugu imandoontaan cadaalad, akhlaaq iyo waxbarasho tayeeysan.

Isagoo sii hadlayey ayaa waxa uu sheegay in jaamacadda muqdisho ay soo saartay dad tayo leh oo bulshada soomaaliyeed wax baddan oo lataaban karo u qabtay.
Jaamacadda muqdisho waxa ay horseed u noqotay is badal qiimo leh waxa ay dadka soomaaliyeed u abuurtay rajo ay ku soo hirteen intii ka maqneyd dalka soomaaliya ayuu ku soo gabagabeeyey gudoomiyaha jaamacadda muqdisho Dr.Ibraahim Maxamed Mursal Cali.

Xafaladiine waxey ku soo gabagabowday jawi heersare ah oo aad loo jecleystay.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply