Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Xaflado isdaba-joog ah oo lagu maamuusayay sanadguuradii koowaad ee ka soo wareegtay asaaskii Khaatumo ayaa ka dhacday magaalada Edmonton.
Xafladdii koowaad oo la qabtay December 29, 2012 ayaa waxaa si gaar ah jahliyadda Alberta ee Khaatumo ugu qabteen guddiga fulinta Khaatumo oo uu hogaaminayay guddoomiyaha guddiga fulinta Dr. Cali Ciise Cabdi iyo C/rashiid Macallin Faarax oo ka mid ah guddiga sare ee fulinta.
Xafladdaas oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa jahliyadda warbixin buuxda oo la xidhiidha meesha ay marayso hawlaha maamulka Khaatumo ka siiyay Dr. Cali Ciise iyo Cabdirashiid Macallin Faarax. Waxaa iyana dhinaca kale warbixinno faahfaahsan oo ku saabsan jahliyadda Khaatumo ee Alberta ka soo jeediyay guddiyada kala duwan ee ka dhisan magaalooyinka ay ka koobantahay gobolkan Alberta ee dalka Kanada. Sidoo kale xafladdaas ayaa lagu soo bandhigay suugaanta noocyadeeda kala duwan sida gabayo, cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka iyo qoobkaciyaar intaba.
Xafladdii labaad oo iyana ahayd mid lagu xusayay sanadguurada koowaad Khaatumo ayaa isla hoolka Islamic Schoolka Edmonton lagu qabtay December 30, 2012. Xafladdan oo iyana ahayd mid si wanaagsan loo soo abaabulay ayaa waxaa ka hadlay martisharaf badan oo iskugu jirta, Xildhibaanno DF Somaliya, Professors, hogaamiyayaasha bulshada Cuqaal, culimaaudiin, waxgarad iyo marwooyin. Xaladdaas oo loogu magacdaray “habeenka wadajirka Soomaaliya” ayaa waxaa khudbado qiimo leh uga jeediyay dadwaynihii xafladaas ka soo qaybgalay Dr. Cali Ciise Cabdi iyo Cabdirashiid Macallin Faarax oo labaduba ka tirsan guddiga fulinta ee Khaatumo iyagoo ku dheeraaday waxa ay u taagantahay Khaatumo iyo hadafkii loo asaasay. Madaxda Khaatumo ayaa u caddeeyay dadwaynihii dhagaysanayay in hadafka kaliya ee loo asaasay Khaatumo ay tahay in dadka ku nool gobollada Sool, Sanaaag iyo Cayn ay iyagu aayahooda ka tashadaan isla markaana ay ka go’antahay in ay ilaaliyaan midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.
Xafladdaas oo lagu soo bandhigay suugaanta nooceeda kala duwan iyo ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka ayaa ku soo dhamaatay jawi aad u sarreeya.
Figradihiina