Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Musharax Farmaajo oo Khudbad uga Hadlay Xaalada Somalia, Sadex Qodob Oo Dhaqan Xumo Ah Sida Xal Loogu Heli Karo, Somaliland Waxay Doonayaan Hala Siiyo.

Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo khudbad u Jeedinayey Qaar kamid ah Jaaliyadaha Soomaaliyeed ayaa Wuxuu siwayn uga hadlay Xaalada Soomaaliya, Wuxuuna sheegay in dhibaatada Soomaaliya ay soo Bilaabatay 1960-kii, Wuxuuna sheegay in wixii dhacay 1991-kii ay ahaayeen Dhibkii Soomaalidu ay bilaabeen 1960-kii.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay gobolada Waqooyi ee Soomaaliya, Iyo Sida ugu wanaagsan ee Midnimada Soomaaliya oo dhamaystiran loo Helo, Wuxuuna sidoo kale ka hadlay Dhalinyarada u dagaalamaya Kooxda Al-shabaab, Wuxuuna sheegay inay Nolol iyo Mustaqbal leeyihiin oo loo baahan yahay in Xal loo helo.

Wuxuuna soo bandhigay Sadex Dhaqan-xumo ah oo hada soo baxay Kuwaasi oo doorashada lagu galo, “Lacagta Doorashada lagu galo waa Hantadii Dawlada iyadoo uu adeegsanayo Qofka Markaasi Kursiga ku Fadhiya, Qaadhaan Qabiil iyadoo Qofka Musharaxa ah ay Beeshiisu Lacag dul dhigayso iyo Mida Sedexaad oo noqotay Dawladee i Caawinaysa Warqad cad ayaan wataaye, Waxayna taasi keenaysaa inuu Qofkaasi uu Hadhow dawladaasi u Dulays naado, oo ka fogaado Wadaniyad Soomaaliyeed.”

Wuxuuna Soo bandhigay Sababta ay u sameeyeen Qaadhaan-Qaran, Wuxuuna sheegay inuu yahay midkaasi mid la doonayo in Bulshada Soomaaliyeed ay isku Tashanayso oo ay Iyadu Leedahay.

HALKAN HOOSE KA DAAWO

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply