Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ciidmada PSIda Puntland oo weeraray xalay kuwa Galmudug

Wararka nagasoo gaadhaya magaalada Gaalkacayo dhinacyadeeda waqooyi iyo koonfurba ayaa xaqiijinaya in ciidamada PSIda ay weerareen ciidamo biyo dhaamis ku jira oo kamid ahaa ciidmada maamulka Galmudug, sababaha dhaliyay weerarkan ayaa u muuqda kala shaki ku jira ciidamada kala taabacsan labadan maamul ee kuwada sugan magaalada Gaalkacayo.

Dhinaca Puntland ayaa ku doodaya inay daba socdeen Rag horay qaraxyo uga geestay magaalada Gaalkacayo halka ay Galmudugna sheeganayso in Ciidamadeedu ay biyo dhaamis ku jireen oo ay si gaadmo ah ciidmada Puntland u weerareen sikastaba ha ahaatee wararka ayaa sheegaya in ciidamada Maraykanku ay ka warhayeen Hawlgalkan iyada oo lashaaciyay in Diyaaradaha laga hago xaga hawada ama kuwa qumaatiga u kaca ay ka qabqaateen weerarkan balse aan ilaa hada la xaqiijin.

Maraykanka ayaa sheegay inay daba socdeen kooxda Al-shabaab halka ay kooxdaasi iska fogeeyeen inay wax ciidana aysan ka joogin goobahan.

Weerarkan ayaa mugdi wayn galiyay xidhiidhka ka dhexeeyay maamulka Galmudug iyo kooxaha nabadiidka ah iyada oo laga cabsi qabo in dagaalkani isku rogo mid u dhexeeyay labada Maamul, shaqaaqadaa oo dib u dhigi karta Doorashada dalka ka dhacasa dhamaadka bisha 10aad.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply