Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Tababar lagu baranayay tayeynnta adeegsiga af-Soomaaliga ee dhinaca Warbaahinta uuna soo qaban-qaabiyay Akadeemiyo Goboleedka Af-Soomaaliga ayaa maanta lagu qabtay xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee Magaalada Muqdisho.
Munaasabadii furitaanka tababarkaasi ayaa waxa ka soo qeyb galay madax ka kala socotay Dawladda Federaalka, Maamulka G/Banaadir iyo masuuliyiinta Akadeemiyo Goboleedka Af -Soomaaliga, in ka badan 50-xubnood oo ka kala yimid qeybaha kala duwan ee Warbaahinta iyo Ururada Saxafiyiinta gabdhaha ayaa ka fa’iidestay tababarkaasi oo loogu tala galay inuu socdo muddo hal {1} maalin ah.
Gudoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Magalaada Muqdisho Md, Yuusuf Xuseen Jimcaale “Madaale” oo si rasmi aha u furay tababarkaasi ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay oo uu soo dhawenayo qabashada saminaarkaasi, wuxuuna carabka ku dhuftay in saxafiyiinta looga bahaan yahay sidii ay kaalin hormuudnimo uga qaadan lahaayeen illaainta iyo hal abuurka afka hooyo, isagoo u mahad celiyay Akadeemiyo Goboleedka Af-Soomaaliga oo uu tilmaamay inay isu xilsaartey tayanta iyo horumarinta af-Soomaaliga.
Gudoomiyaha Akadeemiyo Goboleedka af-Soomaaliga Prof. Maxamed Daahir Afrax oo khudbad qiima badan halkaasi ka soo jeediyay ayaa sheegay in tababarka tayaynta adeegsiga af Soomaaliga uu qeyb ka yahay saminaaro baahsan oo Akadeeimiyadu u qorsheysay kor u qaadida af-Soomaaliga, wuxuuna hoosta ka xriiqay inuu qaybaha kala duwan ee Warabaahinta uu ku guubaabinayo sidii ay u adeegsan lahaayeen af-Soomaali sax ah.
“Warbaahinta, Maamulka iyo Macalimiinta ayaa laf dhabar u ah noolaynta iyo xoojinta afkeena, dhinac walba oo qeybahaasi ka mid ah iyo guud ahaan ummadda oo dhan waxaa waajib ka saaran yahay daryeelka af-Soomaaliga “ ayuu yiri Prof. Afrax oo intaasi raaciyay in af-Soomaaligu uu yahay af isku filan oo hodon ah.
Gudoomiye ku xigeenka Maamulkka G/Banaadir ee Arimaha Bulshada Iimaan Nuur Iikar, Xogahay Guud ee G/Banaadir Maxamed Sheikh Amiin, Gudoomiyaha Haweenka G/Banaadir, Jawaahir Maxamed Baarqab, Gudoomiyaha Dhallinyarada Gobolka Cabdi kaafi Maxamuud Makaraan, Xogahayaha Guud ee Nusoj Maxamed Ibraahim Macalimuu iyo Agaasimaha Warbaahinta G/Banaadir Cabdi fitaax Maxamed Siyaad oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa ku nuux nuuxsaday inay soo dhaweynayaan suurta galinta tababarada noocaan oo kale ah, waxayna kula dar-daarmeen ka qeyb galayaashu in aqoonta la siiyo ay ka muuqato xirfadooda Saxafanimo.
Casharada tababarkaasi oo aad loola dhacey ayaa waxaa bixinayay Prof Maxamed Daahir Afrax iyo Prof Mustafa C/laahi Feyruus kuwaasi oo si xiisa badan u soo jeediyay macluumaad oo aad loo jecleystay oo ku saabsanaa tayaynta adeegsiga af Soomaaliga , qaar ka mid ah ka qeyb galayaashii saminaarkaasi ayaa codsadey in la joogteeyo tababaradaan oo kale, iyagoo balan qaadey aqoonta ay qaateeen inay gaarsiin doonaan walaalhooda kale ee fusadaan aan helin.
Xubno ka mid ah gabdhihii saminaarkasi ka qeyb qaadanayay ayaa halkaasi waxay su’aalo iyo tallooyin kula wadeegeen Guddoomiyaha Akademiyo Goboleedka Af-Soomaaliga, gabagabdii saminaarkaasi waxaa la isku raacay in ruux walba uu istaago illaanta afka Soomaaliga.
Dhawr toddobaad ka hor ayay Akadeemiyadu tababar ku aadana Daryeelka Af-Soomaaliya iyo Doorka Hooyadu waxay u sameysay haween ka kala socdey Degmooyinka G/Banaadir, tababaradaan oo ahaa kuwa is xig xiga ayaa Akadeemiyadu waxay iska kaashadeen Ururka Haweenka G/Banaadir.
Figradihiina