Yaamudan inuu Taleex Matalo
Su’aasha isweydiinta mudani waxaytahay waakuwama 8dan xubnood ee isu sharaxay xildhibaanimada?
Aqoontooda,Taariikhdooda,Khibradooda shaqo iyo waxa ay gashadeen dadka degaanka ka hor ololaha
doorasahadni.
1. C/qaadir Cabdi Warsame,waa Muwaadin kamid ah Gaashaan-buurta Galool-oriye(Reer Taleex)
xaqna uleh inuu u tartamo xilkani,waa aqoonyahan tacliintiisu gaadhsiisantahay heer dhexe
wuxuuna ka shaqeeya hay’adaha UNka ee ka hawlgala dalka gudihiisa oo uu madax ka ahaa in
muddo ah,wuxuuna ku sugnaa inta badan dalka gudihiisa .wax khibrad siyaasadeedah
malaha,waxaa uu marar badan wax qabad heerar kala duwan ah ka geystay deegaanadaasi oo
ay dadku ku xasuustaan.
2. Axmed Gaani Calishire waa Muwaadin kamid ah Gaashaan-buurta Galool-oriye(Reer Taleex)
xaqna uleh inuu u tartamo xilkani,Xamed aqoontiisu waxay gaadhsiisantahay Dugsi sare iy
kuliyad ciidan,Axmed waxa uu kamdi ahaanjiray ciidamadii qalbka siday ee dawladii dhexe
wuxuuna kamid ahaa Saraakiishii yar yaraa ee loo yaqaanay Baylcadda,Wax shaqo ah ma qaban
26kii sano ee lasoo dhaafay wuxuuna kunoolaa Kenya iyo Somaliya.wax khibrad siyaasadeed ah
malaha,waxaa lagu xusuustaa Axmed wuxuu kamid ahaa asaasayaashi dhibaatada ka taagan
Taleex.
3. Mukhtaar Ibraahim waa Muwaadin kamid ah Gaashaan-buurta Galool-oriye xaqna uleh inuu u
tartamo xilkani,aqoontiisu waa heer dugsi sare balse waxa uu leeyahay khibrad shaqo
guud(Public service)khibrad siyaasadeed wuxuu leeyahay Mukhtaar waa wasiirkii hore ee
madaxtooyada Khaatumo,wuxuu kaloo kamid ahaa musharixiintii madaxweyne ku xigeenka
Khaatumo ee 2014,wax Mukhtaar lagu xusuusto Shar iyo Khayr toona malaha.
4. Axmed Maxamed Axmed waa Muwaadin kamid ah Gaashaan-buurta Galool-oriye(Reer Taleex)
xaqna uleh inuu u tartamo xilkani,aqoontiisu waxa ay gaadhsiisantahay heer dugsi sare,wax
shaqo ah oo dadweyne(public servise) maqaban walow uu kasoo shaqeeyay ganacsi gudood
family (businness) baaxaa degayay,wax khibrad siyaasadeedah malaha,wax lagu xusuusto oo
muuqda Shar iyo Khayr toona malah.
5. Jaamac Caarshe waa Muwaadin kamid ah Gaashaan-buurta Galool-oriye(Reer Taleex) xaqna
uleh inuu u tartamo xilkani,aqoontiisu waxa ay gaadhsiisantahay dugsi sare wuxuuna kunoolaa
mudadii bur burka dalka Yemen,khibradiisa siyaasadeed wuxuu in muddo ah ka shaqaynayay
Qunsuliyadda Soomaaliya ee Yemen,waxaa lagu xusuustaa Jaamac iskuday wax qabad marar
dhowr ah balse aan hirgeli.
6. Yaasiin Ibraahim waa Muwaadin kamid ah Gaashaan-buurta Galool-oriye xaqna uleh inuu u
tartamo xilkani,(Reer Taleex)waa aqoon yahan tacliinta maadiga ah ka gaadhay heer sare horena
uwatay aqoon ciidan wuxuuna Yaasiin kunoola mudadii bur burka dalka Maraykan,khibrad
siyaasadeedna wuxuu ka mid ahaa musharixiintii jagada madaxweynaha Soomaaliya sanadkii
2012,waxaa Yaasiin lagu xusuustaa nabad jacayl iyo horumarinta wax barashada Taleex oo uu
ahaa mid kamid ah tiirarkii dhidibada u tagaay dugsiyada hoose/dhexe iyo sare ee Taleex.
7. Cabdi Qawdhan waa Muwaadin kamid ah Gaashaan-buurta Galool-oriye xaqna uleh inuu u
tartamo xilkani,(Reer Taleex)balse waa Reer Laas-caanood,aqoontiisu waxa ay gaadhsiisantahay
heer Jaamacadeed(intery level) walow aanu dhamaysan,khibradiisa siyaasadeed wuxuu wasiir
ku xigeen ka noqday aamulka Puntland xilligii Faroole,waxaa Cabdi Qawdhan lagu xusuustaa
dibin-daabyayn xad dhaaf ah waxaana loo tirinayaa dilal qorshaysan ,kuwa toos ah,dhac iyo
hagar daamooyin siyaasadeed,hadaan ka xuso mid iyo labo waxaa uu ahaa maskaxdii ka
Figradihiina