Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Akadeemiyada Goboleedka Af-Soomaaliga oo Kulan Aqooneed Balaadhan ku Qabtay Magaalada Baydhabo

Kulan aqooneed si qurux badan loo soo agaasimay loogana hadlayay adeegsiga Af-Soomaaliga ee dhinacyada Maamulka, Waxbarshada iyo Warbaahinta ayaa lagu qabtay 25/10/2016-ka waxaa lagu qabtay xarunta Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya ee Magaalada Baydhabo.

Madashaasi oo aheyd mid aad u xiisa badan ayaa qabashadeeii waxaa iska kaashaday  Akadeemiyo Goboleedka Af-Soomaaliga {AGA} iyo Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya, waxaana ka soo qeyb galay madax ka kala socotay maamulka k/galbeed, bahda waxbarshada, warbaahinta iyo wakiilo matalayay qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool Magaaladaasi.

Wakiilka Akadeemiyo Goboleedka Af-Soomaaliga ee K/Galbeed ahna Gudoomiyaha Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya Prof. Maxamed Cali Kalaay oo furitaankii munaasabadaasi khudbad qiima badan halkaasi ka soo  jeeediyay ayaa ku dheeraaday ka sheekaynta waajibaadka iyo hawlaha ay Akdeemiyo Goboleedka Af-Soomaaliga u xilsaaran tahay, wuxuuna carabka ku dhuftay in AGA ay ka go’an tahay ilaalinta daryeelka, hal abuurka iyo horumarinta afka hooyo, isagoo u soo jeediyay ka qeyb galayaashii madashaasi inay gacan ka gaystaan dhowrista afka Soomaaliga.

Munaasabadaasi waxaa casharo ku saabsanaa adeegsiga afka soomaaliga ee dhanka waxbarashada  iyo doorka ay saxaafaddu ka  qaadan karto kobcinta afka Soomaaliga ka soo   jeediyay Cali C/lle Xasan oo ka socday Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta Sare iyo Gudoomiye ku xigeenka Nusoj Muxyadiin Xusni, sidoo kale  waxaa madashaasi iyana ka hadlay Afhayeenka Golaha Aqoonyahanada Koonfurta Soomaaliya Fowsi Cabdi Nuuur iyo masuuliyiin kale oo ku hadlayay magaca ururada bulshada Goboladaasi.

Soo jeedintaasi kadib waxaa madashaasi la isku weydaarsadey  su’aalo iyo jawaabo la xiriiray sida la isaga kaashan karo daryeelka afka hooyo, qaar ka mid ah ka qeyb galayaashii kulan aqooneedkaasi ayaa ku bogaadiyay  Akadeemiyo Goboleedka Af-Soomaaliga sida ay ugu dadaaleyso illaalinta afka Soomaaliga, iyadoo  madashaasi lagu daawaday suugaan uu goobtaasi ku soo bandhigay Abwaanka Maxamed Xasan  Canjeex, taasi oo ka tarjumaysay hodontinimada afka Soomaaliga.

Kulan aqooneedka maanta ka dhacay Magalaada Baydhabo ayaa  qeyb wuxuu ka yahay kulamo iyo tababaro baahsan oo loogu tala galay sidii bulshada Soomaaliyeed loogu baraarujin lahaa daryeelka afka Soomaaliga,  Akadeemiyo Goboleedka Afsoomaaliga {Aga} ayaana hawshaasi dhabarka u ridatey , waaxaana illaa iyo haatan lagu guuleysay in lagu kala qabto Magaalooyinka Muqdisho, Boosaaso, Garowe iyo meelo kale.

Cabdinaasir Yuusuf Macallin Xuseen <cnaasir114@hotmail.com>

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply