Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Fidel Castro maxaa lagu xasuusan doonaa by Faysal Rooble

Waxa Castro uu u babar dhigay toban madaxweynayaa oo Maraykanka ah have ugu horeeyey Kenedy, Obamana hagu dambeeyee. Soomaalise gaf ayuu ka galay.

Fidel Castro xalyto ayuu geeriyooday. Nin la ilaabo ma’aha. Waa horumoodkii kacaankii ka curtly Cuba mudo 60 sano ka hor. Waa halgamaa Maraykanku waxba ka qaadi waayey.

In CIA sordoonka Maraykanku disho boqolaal jeer ayey isku dayeen weyna ka quusteen. Waa ka adkaaday.

Cubana waxa uu ka dhigay dal sabool ah laakiin hadana qani ah. Cuubi wey ka dhaakhaatiir wacan tahay dalka idil ee Mareykanka. Yarka maskiinka ah ee Cuba ku dhashay waa ka nasiib wacan yahay kan geetada Maraykanka ku dhashay marka laga fiiriyo xaga guryaha, caafimaadka iyo ka qayb galka cayaaraha dhalinta iyo arimaha bulshadaba.

Waxaa aan Inaba la iloobi karayn Castro gacantii waafiga ahayd ee uu siiyey xornimadoonadii Angola, Mosambiik iyo Koonfur Afrika.

Arin kale: Waxa uu 1960dii yimid shirkii UN. Xiligaas XAAJI AL-SHBAAZ ama Malcom X ayaa noolaa; waaxaa si kulul u socday halgankii madowga Mareykanka. Si uu Castro u tuso in aanu madaxda Maraykanka ee xiligaas ka haybadaysan waxa uu hotel yar ka kiraysta dhuqda geetada ama xaafada Madowga Maraykanku ku nool yihiin.

Madaxdii Maraykana ee isla weynta ahayd wey qaadan waayeen. Yabb kale ayuu ugu daray intaa: waa markuu yidhii “waxaa Maraykanka xidhiidh dawli ah la yeelan doonaa marka nin Madow Madaxweyne ka noqdo!

Ilaahay amrkii sidii uu 50 sano kahor yidhii ayey taariikhduna u dhacday. Obama oo Madaxweyne Madow ah ayaa xidhiidhkii labada dal furay.

Castro halgamaa socialist ah ayuu ahaa, in kasta uu Soomaali ku gafay; xili xun oo kulul ayuu Soomaali ka eexday. Dagaalkii 1977 jab dadkii ku dhacay Soomaali isagaa kow ka ahaa. Cutubka uu kaga jiro taariikhdeena ma qurux badnayn doonto;

laakiin aduunka inta ku nool ee danyarta ahi ama la cadaadiyo sida qaalibka ah geesi ayay u arkaan.

RIP

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply