Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Waxaa si xawli ah u socda doorashada xildhibaanada Aqalka Sare iyo kan Hoose iyada oo la rajaynayo in lasoo gabo gabeeyo maalmaha fooda inagu soo haya. Hadaba xagee ayuu marayaa is riixriixa iyo kala halabsiga Xildhibaanada ilaa maanta oo bishu tahay Decn 02, 2016 Madaxwaynaha wakhtigu ka dhamaaday waxay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay kana ag dhaw aqalka looga taliyo Soomaaliya ee “Vila Soomaaliya” laga xuuraamayaa inuu madaxwayne Xasan Sheekh uu dhaqaale ku cadaystay Xildhibaano gaadhaya 117 xubnood.
Tasoo keeni doonta inuu la tartamo shaqsiga kaalinta labaad gala, waxa uu hada ka shaqeenayaa inuu shaqsigaasi noqdo Raysalwasaaraha Dalka Cumar Cabdirashiid, isaga oo filayo inuu si dhibyar uga guulaysandoono. Balse shaqsiga sadexaad ayaa ah Raysalwasaare ay dadku jecelyihiin Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo hadii uu isreebreebka kula soo hadho Madaxwayne Xasan sheekh lafilyao inuu uga guulaysto 2:1 taasoo walwal badan hada ku haysa Vila Soomaaliya.
Iskusoo wada duuboo waxaan la filayn inuu yimaado shaqsi cirka soo tuur ah sidii madaxwayne Xasan Sheekh Saxaaxada Siyaasadeed uga suu muuqday mar qudha.
Ceegaag.com
Figradihiina