Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Madaxweynihii Hore Ee DG Puntland Generaal Maxamuud Muuse Xirsi (Cade Muuse) Ayaa maanta soo gaaray magaalada Gaalkacyo Ee xarunta Gobolka Mudug.
Cade Muuse Oo maanta Ka soo amba baxay magaalada Garoowe Ee Caasimada Dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa dadka soo dhaweentiisa ka qayqaatay ka mid ahaa Salaadiin, waxgarad, xildhibaano ka tirsan Puntland Siyaasiyiin Horay xilal uga soo qabtay Puntland uuna ka mid ahaa maxamuud Cali yuusuf gaagaab Oo horay u soo noqday madaxweyne xigeenka Puntland Wasiiradii hore Ee haweenka Puntland Marwo Caasho Geeli Diiriye Xildhibaano ay ka mid ahaayeen Cabdulqaadir faarax Bootaan ,Siciido Geele Diiriye iyo Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed (Gablax ) waxa ay uga hortageen Deegaanka Bacaadweyn Oo Gaalkacyo u jirta 4okm dhanka Waqooyi Kaga Beegan
Cade muuse oo markii u soo gaadhay magaalada Gaalkacyo Uu ku nastay Hotel Sugulle Oo ah halka ku dagay ayaa Saxaafada hadal kooban uu siiyey uga waramay soo gaarida Gaalkacyo waxa uuna sheegay In Gaalkacyo uyimid in uu lakulmo waxgaradka Gobolka Mudug Iyo sidii aysan udhicin wax dhibaato ah oo dhanka Puntland ah dadka Reer Mudugna dhammaan ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan Nabadgalyada Gobolka Mudug Ayagoo si wada jir ah isku kaashanaya.
Daawo Sawiradii Generaalka
Figradihiina